Somalia: “Waan la sii hadleynaa Somaliland”Wasiir Odaawaa

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay ka go’an tahay Xukuumadda in la sii wado Wada hadalada iyaga iyo Maamulka Somaliland.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wada hadalka uu mar walba yahay jidka kaliya ee u furan Soomaalida, waxaana uu rajo ka muujiyo in wixii tabasho ee jira la xalin karo.

“Wada hadalku mar walba waa jidka kaliya ee u furan umadda Soomaaliyee, waxaan aamminsannahay inaad wada hadli karno, hal Soomaaliya ayaa jirta laakin waan kala aragti duwannahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay barnaamij dood ah oo ka baxayay warbaahinta dowladda shalay oo jimco aheyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay aamminsan tahay in la wada hadli karo, sidaas darteedna aan loo baahnayn in cid kale ay dhex dhexaadiso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Inaan wada hadalno ayaanba diyaar u nahaye dadka kale maxaa loogu baahan yahay” ayuu yiri Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga soo weydiiyay wada hadalka Somaliland iyo shuruuda ay ku xireen inay la fariistaan dowladda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Su’aashaas waxay u baahan tahay jawaab, Wadahadalka marka aad diiddo ayaa waxaa la yiraahdaa qofka gogosha hala soo galiyo…aan wada hadalno, waan ku heshiin karnaa waxa naga dhaxeeyo”

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Biixi ayaa dhowaan sheegay in aanay la fariisaneyn dowladda Soomaaliya ilaa Beesha Caalamka ay goob joog ka noqoto oo labada dhinac ay dhex dhexaadineyso, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka aheyd bur burkii wada hadaladii Istanbul.

Horaantii bishan ayay aheyd markii uu bur buray wada hadal Istanbul ku dhex maraa wafuud ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, inkastoo wafdigii ka socday Somaliland ay diideen inay soo hor fariistaan qaar ka mid ah wafdigii matalayay dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay deegaanadooda ka soo jeedaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...