Daacish oo qabsatay magaalada Al-baqdaadi

Date:

Daacish waxa ay horey u qabsadeen deegaano ka mid ah Anbar
Daacish waxa ay horey u qabsadeen deegaano ka mid ah Anbar

Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon waxa ay xaqiijineysaa in dagaalyahanada dowladda Islaamka ay la wareegeen magaalada Al-Baghdadi ee gobolka Anbar ee dalka Ciraaq.

Waxa uu micnuhu yahay in hadda Daacish aysan ka fogeen xarunta ciidamada cirka ee Cayn Al-Asad, halkaas oo saldhig u ah ciidamada Marineska ee dalka Mareykanka, kuwaas oo caawinaya militariga dalka Ciraaq.

Al-Baghdadi waxa ay ka mid ahayd dhowrka magaalo ee gobolka Anbar ay dowladda Ciraaq maamusho. Inkastoo hadda militariga Mareykanka ay xaqiijinayaan inay ku dhacday gacmaha Khilaafada Islaamka.

Afhayeen u hadlay waaxda difaaca ee Mareykanka waxa uu sheegay in qabsashada magaalada ay tahay in maanka lagu hayo.

Waxa uu intaa ku daray, in tani ay tahay markii ugu horeysay, muddo laba bil ah oo Daacish ay dhul hor leh qabsato.

Laakiin, xarunti muhiim ka ah ee ciidamada cirka, halkaasi oo Mareykanka uu ku tababarayo ciidamada Ciraaq, waxa ay dhowr kilomitir u jirtaa magaalada la qabsaday.

Illaa iyo haddana, dad isqarxiyay ayaaba waxa ay isku deyeen inay weeraraan xarunta, inkastoo aysan guuleysan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...