Cuqaasha Iyo Waxgaradka Buuhoodle. Waxayka Turjumayaan, Dhaqankii iyo Caadadii Reer Somaliland.

Cuqaasha Iyo Waxgaradka Ay Talladdu Ka Go-do Ee U Soo Kicitimay Sidii Xukuumadda iyo Shacabka Gobolka Buuhoodle iskaga kaashan la haayeen Horumarka, iyo Nabad-galyadda Gobolka Buuhoodle.
oo ah Markii u horeysay Taariikhda, Madaxdhaqameed noocan oo kale Ah oo u soo Tafaxaytay Iskaashiga Horumarka Iyo Nabad-galyadda, Xoojinta iyo Adkaynta Qarannimada Somaliland, Ay Socdaal ku yimaadaan Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa,

Weftigan miisaanka Culus Ee ka Soo Kicitimay Gobolka Buuhoodle, ee Bariga Somaliland Waxayka Turjamayaan, Dhaqankii iyo Caadaddii ay Caanka Ku Ahaayeen Umadda Reer Somaliland, Ee Dhidibadda Loogu Taagay dib ula soo noqo shadii xoriyaddii Luntay 26kii Juun, Dhismaha, Seeska Dawladda Somaliland,salaad 2
Qarannimadda, iyo Dawlad-nimadda Jamhuuriyadda Somaliland, Horumarka Dalka, iyo Nabad-galyaduba, Waxay ku Fadhidaa, Doonista, Rabitaanka Shacbiga Iyo Iskaashiga Umaddani ay Ku Gaadhay heerka Ay maanta Marayso,Cuqaashan Reer Buuhoodle, ee ku Sugan Caasimadda Dalka ee Hargeysa Oo ay Xukuudadu Si Balaadhan u soo Dhaweysay islamarkaana ay Marti Qaaday Ayaa ka Kooban, 11 Caaqil iyo 4 Oday, Kuwaas, oo sheegay Inta ay Hargaysa ku Suganyihiin ay La kulmi doonaan, Madaxweynaha Qaranka, Madane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xubnaha Sar-sare ee Xukuumadda, iyo Golayaasha Qaranka,

Socdaalka Cuqaashan Iyo Waxgaradkan, ayaa noqon Doona mid, Sii xoojiya Nabadda, Wax wada qabsiga Umadda, iyo ka midha dhalinta qarannimada Somaliland, Iyo dadaalka Ictiraaf Doonka, waxaanan Rajaynayaa in Ay Gobolkii ay kazoo Kicitimeen Ee Buuhoodle Kula Noqon doonaan, Horumar iyo Qodobo wax tara,

By: Eng. Sharma Arke Maxamed Faarax (Sblackvideo@gmail.com) 

Comments

comments