11 Askari Oo Lagu Dilay Bariga Ukraine Kadib Heshiiskii Belarus

68A3B2F8-692B-4205-8583-3C1E737D371D_w640_r1_s

Ciidamada Milateriga dalka Ukraine ayaa sheegay inay dhinteen ilaa 11 askari sidoo kalena la dhaawacay illaa 40 kale ka dib dagaallo ka dhacay bariga dalka Ukraine maalintii shalay, inkasta oo la gaadhay heshiis xabbad joojin ah haddana weli heshiiskaasi muu dhaqan gelin.

Saraakiil dhinaca Milateriga ah ayaa sheegay in dagaalladu ay si gaar ah uga dhacayeen magaalada Dekedda ee Debaltseve.

Heshiiska xabbad joojinta waxaa wada saxeexay wakiilo kala metelaya Xukuumadda Ukraine, Mucaaradka Ruushku Taageero, Xukuumadda Ruushka iyo weliba Ururka Iskaashiga Amniga ee midawga Yurub, waxaana heshiiskani yimi ka dib wadahadalo qaatay illaa 16 saacadood oo ka dhacay dalka Belarus.

Comments

comments