Muslimiinta UK oo banaanbax balaaran ku qabtay London

Date:

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay mudaharaad Muslimiinta UK ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan aflagaadada jariiradii Faransiiska u geysatay Nebi Maxamed SCW.

Banaanbaxan ayaa ka dhacay banaanka hore ee xafiiska Raysalwasaaraha UK, David Cameron, waxayna muslimiinta u gudbiyeen qoraal ay soo saxiixeen 100 kun oo qof oo looga soo horjeedo dhaqan xumada jariirada Charlie Hebdo ee sawirada gacanta ku aflagaadeysay Nebi Maxamed SCW.

Muslimiinta-London-Banaanbax-Feb15-2

“…Waanu Difaacaynaa Nebi Maxamed…”ayaa kamid ahaa erayadii ay ku dhawaaqayeen muslimiinta banaanbaxa dhigay oo Axadii shalay socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee bartamaha magaalada London ee caasimada UK.

Muslimiinta-London-Banaanbax-Feb15-3

Jariirada Charlie Hebdo ayaa 7dii bishii Janaayo ay weerareen rag hubeysan iyagoo halkaasi ku dilay 12 kamid ah shaqaalihii xaruntaasi ka shaqeenayey iyo askar Booliis ah.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...