Xaakim Cabdiqawi Yusuf oo Madaxweyne kuxigeenka Maxkamada Adduunka loo doortay

Date:

Waa markii ugu horeysay oo uu Xaakim Soomaali ah uu xubin ka noqdo guddoonka sare ee Maxkamada Adduunka (World Court) ee fadhigeedu yahay The Hague, Holland.

Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ah ayaa loo doortay Judge Ronny Abraham oo u dhashay dalka (France), halka Madaxweyne kuxigeenka loo doortay Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf oo u dhashay (Somalia).

Guddoonka Maxkamada ayaa xilka heyn doona 3 sano ee soo socota.

Maxkamada Adduunka ayaa ah tan ugu sareysa caalamka isla markaana u kala gar-qaada Wadamada isheysta ama khilaafka ka dhaxeeyo, waana garabka garsoorka Qaramada Midoobay.

World-court-xaakimyada

Xaakim Cabdiqawi Yusuf ayaa isugu ahaa horey Qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo kamid noqda Xaakimyada Maxkamada Adduunka oo ka kooban 15 xaakim oo caalamka ka kala yimid, kuwaasi oo xilka haya muddo 9 sano ah.

Waxayna guul u tahay Qaarada Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya in Xaakim Cabdiqawi ku guuleystay doorashadii guddoonka maxkamada Adduunka oo Jimcihii 6dii bishan Feberaayo ka dhacday xarunta Maxkamada Adduunka ee The Hague.

Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maxkamada Adduunka ayaa kusoo beegmaysa xili sanadkii 2014 ee lasoo dhaafay ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u gudbiyeen maxkamada inay go’aan ka gaaarto qeybaha kamid ah Badweynta India, oo ay labada dal isku heystaan.

World-court-Feb-2015-1

Maxkamada oo ay horyaalaan dacwado badan ayaa bishan Feberaayo ku mashquulsaneyd dacwada u dhaxeysa dalalka Croatia iyo Serbia oo la xariirta xasuuqii ka dhacay dalalkaasi kadib burburkii dowladii Yugoslavia.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...