Ivory Coast oo qaaday koobka Afrika

Kooxda Ivory Coast ayaa habeenimadii Axada ku guuleysatay ciyaartii Finalka ee koobka wadamada Afrika oo ay la yeesheen xulka dalka Ghana.

Ciyaarta ayaa wakhtigii loogu talo galay ku dhamaatay 0-0 iyadoo xiligii lagu kordhiyey ay labada xul la imaan waayeen wax goolal ah.

Waxayna ciyaarta markii danbe tagtay Rigoorayaal, iyadoo wareegii labaad ee rigoorayaasha ay xulka Ivory Coast guusha ku raacday 9-8 kadib markii rigoorihii ugu danbeeyey uu dhaliyey Goolhayahooda Boubacar Barry

Comments

comments