Somaliland: “WADDANI Nidaam Buu Nidaam Ku Bedelayaa (Laakiin) KULMIYE Qof Buu Qof Ku Bedelayaa” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Date:

Xirsi Cali Xaaji Xasan, hogaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa sheegay inuu xisbigoodu yahay mid bulshada Somaliland oo dhan ku filan, sidoo kalena waxa uu duray dhigooda KULMIYE.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey madal lagu soo dhawaynayay beesha Warsangeli ka sheegay inuu dadku si is daba jog ah ugu soo biirayo xisbiga WADDANI, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan runtii soo dhawynayaa sidii dadkii iga horeeyey ka yidhaahdeen beesha muga iyo miisaanka leh ee xadaarada lagu yaqaano ee Somaliland ah beelaha ugu muhiimsan uguna dheer marka laga hadlayo xaga taariikhda xadaarada aad iyo aad baan u salaamayaa.inaad cududa isla kaaaya gatab taagtaan oo WADDANI timaadaan aad iyo aad baan idiinku faraxsanahay oo aan leenahay soo dhawaada,

sidaa og tihiin waxaa maalinba imanaya mawjad wayn horena u yimi. mawjada manta joogtaana ay ka mid tahay, kulmiye wuxuu kaga jawaabaa sidaan horeba u tilmaamay inuu laba qof lacag siiyo aan ku tilmaamay buul hunguriga siyaasada aan ku tilmaamay maalin hore buulasha yar-yar ee meelahaa laga sameeyo ee masaakiintu wax ku doonaan waa buul hunguri siyaasadeedoo inta laba qof lacag la siiyo ayaa la dhahaa WADDANI ayaan ka baxnay dhaha.waxay kaga jawaabaan mawjadahaa waawayn is riixaya ayey kaga jawaabaan taas,waxaan leeyahay dadka halkan fadhiyaa kulmiye wuu idinka buuxaa waddnise wuu idiin baahan yahay oo wuu idiin baahan yahay oo Somaliland oo dhan wuu qaadi karaa.somaliland oo dhan inuu isu keeno ayuu doonayaa qaranimo loo dhan yahay oo aan laba daraf iyo sadex daraf ka koobnayn buu doonayaa.midaa dusha ka joogtaan buu doonayaa .gunta ugu jirtaan buu doonayaa.oo baarka ka joogtaan buu doonayaa. aadbaan idiin soo dhawaynaynaa,

Qolada kulmiye hore siduu u tilmaamay gudoomiyuhu waa qof qof lagu badalayo .inkasta oo aanay cadayn waxay badalayaan waayo de golihii wu fadhiyaayoo xubnihii way fadhiyaanoo tolow markaa kuweebaa la badalayaa kuweese la daynayaa ileen meeshi waa la fadhiyaaye markaa hadii wax la badalo waa qof qof ku badal in qof meel laga kiciyo o la yidhaahdo meel kale fadhiisiya.laajiinse waddani waa isbedel ilaahay ha inooga dhigo isbedel khayr qaba. nidaam buu nidaam ku bedelayaa waxaanu doonaynaa isha allaah tacaalaa inaanu system system ku badalno markaa xisbiga waddani qof qof ku badeli maayo ee system ka oo dhan baanu doonaynaa inaanu bedelno ayaanu isha allaah tacaalaa ku tala gal san nahay oo aad qayb ka noqoanaysane kusoo dhawaada ,

aniga ooku hadlaaya magac xisbiga waxaan reer WADDANI meel kasta oo aad joogtaan anaga oo masuuliyiinti xibiga ah waxaa inaga reeban wixii cunfi iyo qabyaalad ah waji kasta oo uu leeyahay way inaga reeban tahay in xafiisyada kale la weeraro ama la dhibo ama xisbiyada kale la caayo way inaga reeban tahay .markaan caynkaa leeyahay maaha WADDANI ayaa dhib gaystay waan dareemi karayaa reer waddani dulqaadka ay muujiyeen iyada oo labadii wig ee u danbeey la xidhiya masuuliyiin oo xoriyadoodii laga qaaday iyaga oo aan wax dhibaato ah gaysan oo yagoo xafiisyadoodii jooga laga soo qabtay oo ay ugu danbaysay daraato xubnihii kormeerka ahaa oo wata kaaadhadhkii ay ku kor meerayeen goobihii oo ay komuhinku siiyeen in inta la qab qabto kaadhadhkiina laga qaado la xidh xidho waxaan leenahay waar dadka oo la xidh xidho laguma helo kalsoonidooda qalbigoodana laguma kasbado hore ayey u dhici lahayd waxaan leeyahay waar halaga daayo dadka xadgudubka iyo caga juglaynta ha laga daayo”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...