Doorashadii Madaxtinimadda Dalka Nigeria oo dib loo dhigay

Date:

Guddiga doorashooyinka dalka Nigeria ayaa shaaciyay in doorashadii la filayay in ay dalkaasi ka dhacdo Sabtida soo socota, haatan dib loo dhigay muddo lix todobaad ah.

Madaxa gudgiga doorashooyinka ayaa sheegay in go’aankaasi la gaaray, iyada oo la eegayo ammaan darrida ka jirta Waqooyi Bari dalkaasi, oo dhul ka mid ah uu maamulo ururka Boko Xaraam.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Nigeria ayaa sheegay in uu diidan yahay dib u dhigidda doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalkaasi Nigeria Attahiru Jega ayaa sheegay in muddada lixda usbuuc ah ee haatan dib loo dhigay doorashada ay ahayd arrin aan marnaba laga baaqsan karin kaddib markii lagu wargeliyay in milatariga uusan diyaar ahayn si uu gacan kaga geysto maalintaasi ay doorashada dheceyso.

Taliyayaasha dhanka amniga ayaa kula taliyay guddoomiyaha guddigani in doorashada dib loo dhigo maadaama ciidamada milatariga ay ku mashquulsan yihiin dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada kooxada jihaad doonka ah ee Boko Xaraam ee woqooyi bari dalkaasi.

Dib u dhigista doorashada ayaa ah arrin aad xasaasi u ah gudaha dalkaasi Nigeria.

Saraakiisha xisbiga mucaaraidka ee ugu weyn ayaa ku eedeeyay milatariga in uu ku khasbay guddiga doorashooyinka in dib loo dhigo doorashada, si ay gacan u siiyaan ololaha uu wado madaxweyne Goodluck Jonathan.

Doorashada ayaa u muuqata mid ay aad ugu tartamayaan madaxweynaha haatan xilka haya iyo hoggaamiyihii hore ee milatariga Muhammadu Buhari.

Dib u dhaca ku yimid doorashada ayaa waxa laga yaabaa in ay sii huriso xiisadda haatan ka taagan gudaha dalkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...