Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta Yemen Malik Al-Xuuti Oo Difaacay Awood La Wareegidooda Dalkaas.

Date:

Hogaamiyaha dagaalyahanada Xuutiyiinta dalka Yemen Abdel Malik Al-Xuuti ayaa ku tilmaamay go’aanka ay Baarlamaanka u kala direen inuu ahaa arrin wanaagsan oo dan u ah shacabka Yemen. Abdel Malik Al-xuuti ayaa daafacay afgambiga ay kooxdiisu ku sameeyeen xukuumadii Yemen waxana uu sheegay in ay sameeyeen kacaan burburiyay garbaduub lagu hayay cadaalada.

Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu meel fagaare ah hogaamiyaha Xuutiyiinta tan iyo markii ay Jimcihii ku dhowaaqeen la wareegida talada dalka Yemen ayuu Abdel-Malik al-Houthi waxa uu sheegay in inay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan garabyada siyaasada ee ka jira dalka Yemen,

“Shacabka Yemen waxa ay hore u qaadeen tallaabo weyn kadib markii ay soo ceshteen xornimadooda iyo sharaftooda,”ayuu yiri Houthi. Waxana uu hogaamiyaha ururka Xuutiyiinta ku eedeeyay madaxweynihii hore ee dalka Yemen Houthi Abd-Rabbu Mansour Hadi inuu is casilo. Warka ka soo yeeray hogaamiyaha Xuutiyiinta ayuu imanaya iyadoo kumanaan ruux ay banaanbaxyo ka sameeyeen magaalooyin badan oo ku yaal dalka Yemen.

Banaanbaxyada ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Sanca ,Cadan, Hodeida, Ticis, Dhamar, Ibb iyo Al-Bayda.Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in banaanbaxyo ka dhacay Sanca ay dagaalyahanada Xuutiyiinta xabsiga dhigeen dad gaaraya 17 ruux waxana ay rasaas nool nool ku kala eryeen dadkii banaanbaxayay.

Guddoomiyaha Cadan Abdel Aziz bin Habtur, ayaa ku tilmaamay afgambiga Xuutiyiinta mid ka soo horjeeda dastuurka halka magaalada saddexaad ee ugu weeyn dalka Yemen ee Ticis dad banaanbaxayay ay ka hordhisteen teendhooyin xarumaha dawladda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...