Gabriel Paulista Oo Hogaaminaya Saxiixii Ugu Fiicnaa Bishii Janaayo.

Sky Sports ayaa samaysay codbixin ku aadan saxiixii ugu fiicnaa ee kooxaha ingiriisku ay sameeyaan suuqii janaayo.

Daafaca ay Arsenal kala soo wareegtay kooxda Villarreal Gabriel Paulista ayaana hogaanka u haaya codbixinta oo ilaa haatan socota.

Sky ayaa soo bnadhigtay tirada codadka ay kala heleen laacibiintii lala wareegay suuqii janaayo.

Gabriel Paulista ayaa helay 43% codadkii la dhiibtay halka booska labaad uu soo galay saxiixa cusub ee kooxda Chelsea Juan Cuadrado oo helay 32%.

Saxiixa cusub ee kooxda City Bony ayaa soo ciriirsaday booska 3-aad wuxuuna helay 25% codadkii ladhiibtay.

 Sky

Comments

comments