Lionel Messi Iyo Karim Benzema Oo Hogaaminaya Kooxdii Ugu Fiicneyd La Liga Isbuucaan.

Wax isbedel ah kama dhicin hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ay dhamaantood badiyeen kulamadii 21aad ee horyaalka.

Madrid ayaa 4-1 ku dardartay kooxda Real Sociedad sabtidii halka Barcelona ay 3-2 kaga talaabsatay Villarreal kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Camp Nou, halka Atletico ay ku jirto kaalinta seddexaad iyagoo 3-1 ku qaarjiyay kooxda Eibar.

Waxaa sidoo kale guulo gaaray kooxaha Deportivo La Coruna, Celta Vigo, Granada, Athletic Bilbao, Sevilla iyo Malaga, waxaana shabakada Goal qiimeyn ku sameysay 11kii ciyaaryahan ee isbuucaan ugu fiicnaa La Liga.

Goolka waxaa ku jira Carlos Kameni kaasoo qaab ciyaareed fiican ku jira ka dib markii uu badbaadin badan sameeyay iyadoo Malaga ay 1-0 ku garaacday xalayto kooxda duuleysa ee Valencia.

Dhanka daafaca Mateo Musacchio ayaa wacdarro u dhigay Villrarreal inkastoo 3-2 looga badiyay kulankii Camp Nou, halka Diego Godin uu sida ay caadada aheyd u adkaa Atletico, Sergio Ramos ayaa isna goolkii labaad ee muhimka ahaa u dhaliyay Real Madrid kulankii Madrid ay 4-1 kaga badiyeen kooxda David Moyes ee Real Socidad.

goal-formation-4d496c31-cbc0-4180-bac1-6fdb09bb06ed

Khadka dhexe, Rafinha ayaa ismuujiyay isagoo soo bandhigay qaab ciyaareedkisiii ugu fiicnaa intii uu xirnaa maaliyada Barcelona isagoo shabaqa soo taabtay axadii, halka Aleix Vidal uu qatar u ahaa Sevilla kulankii ay ka badiyeen Espanyol, Antonie Griezmann ayaa isna shabaqa soo taabtay islamarkaana guusha ka caawiyay Atletico, halka Isco uu ahaa isku xiraha khadka dhexe ee kulankii Bernabeu.

Dhanka weerarka waxaa hogaaminaya Lionel Messi kaasoo goolkiisii cajiibka ahaa ee uu dhaliyay ku hogaamiyay Barcelona guusha, halka Karim Benzema uu ka caawiyay Madrid guusha isagoo dhaliyay labo gool oo weliba goolkii labaad uu ahaa mid indho qabad leh, Aritz Aduriz ayaa isna Athletic guusha ka saaciday isagoo dhaliyay labadii gool ee ay kaga badiyeen Levante.

Comments

comments