Barcelona Oo Heshiis Kordhin Aad U Weyn U Sameyneysa Lionel Messi Si Uu Qandaraas Cusub U Saxiixo

Isbadalka macalin ee ka dhacay kooxda Barcelona ayaa qasbaya in  Lionel Messi uu ka fiirsado qandaraas cusub uu ka saxixo garoonka Camp Nou laakin kooxda diyaar ula ah qandaraas uu sanadkii ku qaadanayo lacag dhan 35 milyan euro oo ka madax banaan canshuuraha, taasoo ka dhigayesa in 14 miyan oo euros lagu kordhiyo heshiiska xidiga Argentine ee 21 milyan uu haatan ku qaato.

Dhanka kale waxaa Azulgrana hor yaala dhowr shardi si ay heshiis uga saxiixaan taliyahooda, waxaana markala gala soo tago lacagta xidigaan uu wataa shuruudo isboortis, wuxuuna maanka ku hayaa inuu galayo dhamaadkii waayihiisa ciyaareed ee guulaha u saaxiibka ah wuxuuna doonayaa inuu sida ugu macquulsan ku soo afjari waayihiisa kubadeed.

Wada hadalo ayaa marka ugu horeysa looga hadlayay lacagta uu mushaar ahaan u qaadanayo xidigaan oo la fahansan yahay inuu dalbaday 35 milyan oo euros kooxdana ay i aqbashay iyagoo ka fakaraya danahooda ciyaareed iyo xayeeysiinta u soo galeysi ganacsi ahaan iyo maal gelintooda.

Furaha kale ee aadka uu kaga fakarayo Messi ayaa ah inuu xaalad dagan oo xaga qoyska ah uu ku jiro; wiilkiisa wuxuu iskuul ka dhigtaa magaalada, saaxiibtiisa Antonella Roccuzzo waxay ku jirtaa nolol dagan oo farxad ay ka muuqato, xidiga Blaugrana ayaana aaminsan in halka kaliya uu kaga tagi karo Barcelona ay tahay inuu u laabto Argentina iyo magaaladiisii Rosario.

Si kasto, guuritaankaasi ayaa ah rajo iyo mid waqti dheer ah kadib wuxuuna xidiga diiday xitaa dalab mushaareed oo gaaraya 50 milyan oo euros ah uu ka helay kooxda ka ciyaarta Chinese Super League, Barcelona ayaase aad ugu qanacsan in xidigeeda uu sii joogi doono Catalunya waqti dheer.

Comments

comments