Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanu mar dambe Dalka Turkigu dhexdhexaadin doonin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya

Date:

“Madaxweynuhu Wuu Baxayaa Oo Borama Ayuu Tagayaa, Waxa an Jecel ahay In Cabashadii Odayaasha Uu Ka Jawaabo”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanu mar dambe Dalka Turkigu dhexdhexaadin doonin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in aanu wada hadaladaas aanu dhex ka ahayn oo uu u jan-jeedho dhinaca Somaliya. Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo qaranimada Somaliland la iskuna duubnado, oo aan Gobolada iyo Magaalooyinka dalka aan la kala sheegeen waxaanu hadalkan ka sheegay xaflad loogu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaanu yidhi “UCID ahaan waxa aan idinka codsanayaa inaad Dadkiina Somaliland is midaysan, arinta reer Awdal maaha in la Siyaasadeeyo, waxa la doonayaa in Codka laga helo oo la yidhaahdo waa laga gardaran yahay, Nin waliba Mikirfoonka ayuu qaatay,Ninka yidhi Somaliland ma jirto, waanu ka baxnay, walibana Maamul Goboleed inagu sheegay haddii uu yidhaahdo Jahmuuriyada waxba may ahaateene,boqol waddo ayaa jirta oo qofka Somaliland ka cabanaya uu ku caban karo, Nina Gobol ma goosan karo, imika waa aniga oo yidhaahda Hargeysa waan ka baxay, Hargeysa maaniga leh, waa lawada leeyahaye, meel kasta waa la wada leeyahay Somaliland meel gaar loo leeyahay ma jirto, Maskaxda dadkan gashay ee leh Khaatumo iyo Awdal State ayaan sameeynaya anigu garan maayo, Somaliland xad ayey leedahay, ee haddii ay Somaliya ku darsamayso iyada oo midaysan ayey ku darsamaysaa, laakiin Nin gobol gobol u goosanaya ma jiro”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee uu Turkigu u qabatay, ayaa yidhi “Marka ay Somaliland iyo Somaliya timaado, waanu ka soo horjeedna Turkiga, inuu mar dambe la tago, uu afduubay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, Turkigu meel uu ka soo galay garan mayno Midawga Afrika kuma jiro, Midawga Yurub kuma jiro, Midawga Carabta kuma jiro, halku ka socdaa, waxa aan doonayaa in arintaas Saddexda Xisbi ka wada hadlaan, Turki dambe oo la tagayaana ma jiro”.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Lix Wadan ayaa wada hadalada bilaabay, Ingiriiska, Norway, Midawga Yurub, Switzerland, Imaraadka Carabka iyo South Afrika, South Afrika waxa aanu ku bedelaynaa IGAD oo ah Jabuuti, oo ah Wadan Somali ah, IGAD ah arimaheena wax ka qaban karta, Saddex Boqol iyo Lixdan Milyan oo Dollar ayuu Xamar galiyey, kun iyo shan boqolna deeq waxbarasho ayuu siiyey, inagana afar ambalaas ayuu inoo keenay ee ma sidaas ayuu doonaya inuu inagu dhex dhexaadiyo, yeeli mayno waana ka qabanaynaa”

Wuxuu Faysal sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan tagayo magaalada Borama oo uu ka soo jawaabi doono tabashadii reer Awdal. “Madaxweynuhu wuu baxayaa oo Borama ayuu tagayaa, waxa aan jecel ahay in cabashadii odayaasha uu ka jawaabo, oo uu arintaasna soo af jaro, una jeedsan doono arinta barri uuna soo afjari doono arrinta Cali Khaliif Galaydh.”, waxaanu sheegay in aanu wada hadaladaas aanu dhex ka ahayn oo uu u jan-jeedho dhinaca Somaliya. Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo qaranimada Somaliland la iskuna duubnado, oo aan Gobolada iyo Magaalooyinka dalka aan la kala sheegeen waxaanu hadalkan ka sheegay xaflad loogu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaanu yidhi “UCID ahaan waxa aan idinka codsanayaa inaad Dadkiina Somaliland is midaysan, arinta reer Awdal maaha in la Siyaasadeeyo, waxa la doonayaa in Codka laga helo oo la yidhaahdo waa laga gardaran yahay, Nin waliba Mikirfoonka ayuu qaatay,Ninka yidhi Somaliland ma jirto, waanu ka baxnay, walibana Maamul Goboleed inagu sheegay haddii uu yidhaahdo Jahmuuriyada waxba may ahaateene,boqol waddo ayaa jirta oo qofka Somaliland ka cabanaya uu ku caban karo, Nina Gobol ma goosan karo, imika waa aniga oo yidhaahda Hargeysa waan ka baxay, Hargeysa maaniga leh, waa lawada leeyahaye, meel kasta waa la wada leeyahay Somaliland meel gaar loo leeyahay ma jirto, Maskaxda dadkan gashay ee leh Khaatumo iyo Awdal State ayaan sameeynaya anigu garan maayo, Somaliland xad ayey leedahay, ee haddii ay Somaliya ku darsamayso iyada oo midaysan ayey ku darsamaysaa, laakiin Nin gobol gobol u goosanaya ma jiro”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee uu Turkigu u qabatay, ayaa yidhi “Marka ay Somaliland iyo Somaliya timaado, waanu ka soo horjeedna Turkiga, inuu mar dambe la tago, uu afduubay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, Turkigu meel uu ka soo galay garan mayno Midawga Afrika kuma jiro, Midawga Yurub kuma jiro, Midawga Carabta kuma jiro, halku ka socdaa, waxa aan doonayaa in arintaas Saddexda Xisbi ka wada hadlaan, Turki dambe oo la tagayaana ma jiro”.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Lix Wadan ayaa wada hadalada bilaabay, Ingiriiska, Norway, Midawga Yurub, Switzerland, Imaraadka Carabka iyo South Afrika, South Afrika waxa aanu ku bedelaynaa IGAD oo ah Jabuuti, oo ah Wadan Somali ah, IGAD ah arimaheena wax ka qaban karta, Saddex Boqol iyo Lixdan Milyan oo Dollar ayuu Xamar galiyey, kun iyo shan boqolna deeq waxbarasho ayuu siiyey, inagana afar ambalaas ayuu inoo keenay ee ma sidaas ayuu doonaya inuu inagu dhex dhexaadiyo, yeeli mayno waana ka qabanaynaa”

Wuxuu Faysal sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan tagayo magaalada Borama oo uu ka soo jawaabi doono tabashadii reer Awdal. “Madaxweynuhu wuu baxayaa oo Borama ayuu tagayaa, waxa aan jecel ahay in cabashadii odayaasha uu ka jawaabo, oo uu arintaasna soo af jaro, una jeedsan doono arinta barri uuna soo afjari doono arrinta Cali Khaliif Galaydh.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...