Xiddiga Iyo Tababarihii Ugu Fiicnaa Bisha December Horyaalka Premier League Oo Lagu Dhawaaqay.

Date:

Shan gool uu dhaliyay shan kulan. December waxa ay u aheyd bil fiican weeraryahanka QPR Charlie Austin isagoo ka caawiyay kooxdiisa labo guul iyo barbaro iyagoo u dagaalamaya inay baaqi ku sii ahaadaan Premier League.

Haatan 25 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta bilaha ee Premier League.

Xiddiga QPR Charlie Austin ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay in la ii magacaabo xiddiga ugu fiican bishii December ee horyaalka Premier League. Waan u mahadcelinayaa cid walba oo ii codeysay. Ma aanan helin laheyn abaalmarintaan asxaabteyda kooxda la’aantooda.”

_80310913_austin

Dhanka kale tababaraha Manchester City Manuel Pellegrini ayaa isna loo magacaabay tababaraha bishii December ugu fiicnaa horyaalka Premier League, isagoo kooxdiisa ku hogaamiyay shan guul oo isku xigta oo horyaalka ah oo ka soo bilaabatay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Sunderland.

Guulo ay ka gaareen Everton, Leicester, Crystal Palace iyo West Brom ayaa sii raacday, kaliya Burnley ayaa ka beenisay inay helaan seddexda dhibcood kulankoodii ugu danbeysay ee 2014

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...