Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Waxay dhiiri-gelinaysaa in Shacabku Is-garab Taagaan Ciidamada Qaranka”

Date:

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yusuuf Ismaaciil, ayaa sheegay in madaxda wasaaradda arrimaha guduhu ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhiiri-gelinayaan in is-garab taagaan ciidamada qaranka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yusuuf Ismaaciil, waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha guhudu farayso gudoomiyaasha gobolada dalka iyo Maayarada magaalooyinka dalka in ay shacabka kala qayb qaataan isu soo baxayda fagaarasha ee lagu taageerayo ciidamada qaranka, isla markaana ay ilaaliyaan amniga iyo kala danbayntana.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yusuuf Ismaaciil oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL waxay ku dhiiri-gelinaysaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay isbarbar taagaan Ciidamada Qaranka, Gudoomiyaasha Gobolada dalka iyo Maayaradana waxay faraysaa Wasaarada Arrimaha Guduhu in ay shacabka kala qayb qaataan isu soo baxa fagaarasha, amniga iyo kala danbayntana ay ilaaliyaan.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yusuuf Ismaaciil, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay isu soo bax ballaadhan oo lagu taageeryay ciidanka qaranka kaas oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaasi raaciyay “Dhamaan marti shafarta ka soo qayb gashay abaabulkan iyo isu soo baxyadan lagu taageerayo ciidanka qaranka Somaliland.”

Agaasimuhu waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay dhiiri-gelinayo isu soo baxyada lagu taageerayo Ciidanka qaranka JSL waxaanu yidhi “Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland waxay abaabushay oo ay mar kasta garab taagan tahay ciidamada qaranka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ba. Waxaan u mahad naqayaa Maayarka caasimadda Hargeysa iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex aniga oo uga mahad naqaya abaabulka ay ka sameeyeen gobolka iyo degmadaba.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa uu intaasi raaciyay “Ciidanka qaranka Somaliland waxaan u sheegayaa in aanu mar walba barbar taaganahay, waxaynu muujinaynaa dareenkeena iyo shucuurteena, waxaan leeyahay ciidanka qaranka waad guulaysan jirteen haddana waad guulaysan doontaan.

Farriinta aanu diraynaa waxa weeye dhammaan gobolada iyo degmooyinka oo ay maanta foolaad u tahay Hargaysi in ay isu soo baxaan oo ay taageeraan ciidanka qaranka isla markaana ay muujiyaan dareenkooda iyo shucuurtooda. Gobolada dalka oo dhan baa laga soo bixi doonaa taageero ayaa loo muujin doonaa ciidanka qaranka.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yusuuf Ismaaciil waxa uu farriin u diray guud ahaan shacabka Somaliland, waxaanu yidhi “Haddaynu reer Somaliland nahay inagu dawlad baynu nahay, qaabkii dawladaha ayaynu u dhaqmaynaa, aflagaadada iyo hadalada xanafta lehi way inaga reeban yihiin. Dhammaan ciidamada nabadgelyada, Badhasaabada gobolada iyo maayarada degmooyinka dalka waxaanu la socodsiinaynaa in dadka reer Laascaanood iyo dadka kale ee dalka degen in aan dhib loo geysan, in sida huwantu u dhaqantay aynaan inagu u dhaqmin, markaa waxaan leeyahay dadka is dejiya.”

“Waxaynu muujinaynaa in aynu ciidankeena garab taagannahay, maalmaha yar waxaa ka dambayn doonta murugo, waxaa ka dambayn doona murugo, waxaa ka dambayn doonta in taariikhda Somaliland oo ay rag badan oo halyayo ahi soo baxaan, waxaa ka dambayn doonta taariikh cusub iyo dariiq cusub oo ciidanka qaranka Somaliland jeexo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yusuuf Ismaaciil.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...