Muslimiinta Ireland oo ka Hadlay Geerida Fannaanad Muslim Ahayd

Date:

Waxaa aas qaab Islaami ah loo soo agaasimay lagu aasay  fanaanadii caanka ahayd ee Sinead O’Connor (Shuhada Sadaqat).

Imaamka ugu sarreeya Xarunta Islaamiga ah ee Ireland, oo tujiyay salaadda janaasada ee Sinead O’Connor, ayaa yiri O’Connor “waligeed kama fogaan alle”.

Shaykh Dr Umar Al-Qadri ayaa u sheegay wakaalada wararka ee PA: “Aaska sida iska cad wuxuu ahaa mid gaar u ah qoyska, waxayna ahayd xaflad aad u qiiro badan, waxaana filayaa inay runtii ka turjumaysay shakhsiyadda quruxda badan ee Sinead.

“Waxaa la joogay xubnaha bulshada Muslimiinta, waxaana ku tukanay salaadda Janasada, oo ah salaadda lagu tukado dadka Muslimiinta marka ay dhintaan.”

“Waxay ahayd mid ruuxi ah waxayna ka tarjumaysay aqoonsigeeda Irish-ka iyo sidoo kale inay ahayd qof Muslim ah.

Aaskeeda waxaa ka soo qeyb galay dhowr qof oo siyaasiyiin ah oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Michael D Higgins iyo Taoiseach Leo Varadkar iyo fannaaniin uu ka mid ahaa ninka hore ee U2 Bono iyo Bob Geldof.

Ka dib janaasada, naxashkii lagu sidday O’Connor ayaa la soo marsiiyay gurigeedii hore ee Bray, Co Wicklow, iyadoo boqolaal taageereyaal ah ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka.

Dadka ayaa iyaga oo sacabka tumaya waxay ku tuurayeen ubax islamarkaana u tacsiiyeynayay.

Dr Umar Al-Qadri waxa uu gacan ka geystay soo galidii ay diinta soo gashay O’Connor – markaasi oo ay magaceeda u beddeshay Shuhada’ Davitt, kadibna Shuhada Sadaqat.

Waxa uu sidoo kale u sheegay PA: “Waxay ahayd bini’aadam cajiib ah oo aan ahayn kaliya fanaanad weyn, oo uu gaaray quluubta malaayiin dad ah codkeeda dartiis.

“Wax kasta oo ay tidhi, wuxuu lahaa macno qoto dheer. Waligeed waxay lahayd iimaan adag iyo rumaysnaan xagga Eebbe waana ta ku kalliftay inay barato cilmiga diinta, ayuu yidhi Dr Umar Al-Qadri .

Sinead O’Connor oo ahayd 56 jir ayaa caan ku ahayd albumkii ay soo saartay 1990-kii ee la oran jiray (Single Nothing Compares 2 U,) kaasoo u horseeday inay caan ka noqoto adduunka oo dhan.

IM

 

XIGASHADA

Diinta Islaamka

O’Connor waxay 2018 qaadatay diinta islaamka waxayna ku tilmaantay “gunaanadaka dabiiciga ah ee safarka qof kasta oo ah diin-yaqaan caqli leh”.

Munaasabaddii ay ku soo islaantay waxaa ashahaadada u laqimay Sheekh Cumar Al-Qadri, magaceedana waxay u beddeshay Shuhada Davitt

Farriin ay Twitter soo dhigtay ayey ku sheegtay inay asxaabteeda Muslimiinta ah uga mahad celinayso taageerada ay u muujiyeen, waxaana Youtube la soo dhigay ayadoo addimaysa. Sawirkeeda ayey ku beddeshay mid ay xijaaban tahay.

Markii ay qaadatay diinta islaamka ayaa Nofember 2018 waxay ku tilmaantay dadka aan muslinka ahayn kuwo “laga yaqyaqsoodo”. Waxaa kale oo ay hadallo xanaf leh ka qortay dadka haysta diimaha masiixiga iyo Yuhuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...