Xayiraada TikTok ee Gabdhaha reer Afghanistan ee Taliban

Date:

Inkasta oo ay Taliban mamnuucday isticmaalka app ka TikTok, hadana waa midka dadka reer Aghanistan gude iyo dibadba ugu isticmaal badan yihiin, sida bulshada Soomaalida oo kale.

“Isbuuc kasta hal saac ayaan live soo galaa, aniga oo dad badan oo reer Afghanistan ah madadaaliyo iyaga oo aan dalkooda ka haajirin”.

Waxaan la hadalnay Sogra Soltani, oo ku nool dalka Norway, iyada oo ka sheekeysay barnaamijyada todobaadlaha ah ee ay ka sameyso TikTok, kuwaas oo il madadaalo oo muhiim ah u noqday haweenka reer Afghanistan eek u nool dalkoodii.

“Qaarkood ayaa si dhab u dhaawacan, waan caawiya aniga oo isticmaalaya tabo aan aniga qudheydu isticmaalayay mar aan harjad ku jiray,” ayay tiri Sogra.

Waxay maadada cilmu nafsiga ka baratay jaamacadda Metropolitan ee ku taalla magaalada Oslo.

Waxay ka hadashaa mawduucyo la xariira cabsida, niyadjabka, maareynta carada, dhibaatooyinka xiriirka iyo mahadhooyinka da’ayaraanta ku bilowda.

Iyada oo si diiran u dhoolla caddeyneysa, si naxariis lehna ula hadlaysa, ayay isku daydaa inay fahansiiso saameynta fikirkooda iyo ficiladooda u uku leeyahay caafimaadkooda.

Tan iyo markii Taliban ay la wareegtay talada dalka sanadkii 2021 kii, haweenka ayaa laga mamnuucay inay waxbartaan kadib marka ay dhameeyaan dugsiga hoose, barahoodii bulshadana waa la xiray.

Bishii April ee sanadkii 2022 kii, TikTok ayaa laga mamnuucay dalka oo idil, taas oo loo sababeeyay inuu haleeyay dhallinyarada, muuqalada la iskula wadaagana ay yihiin kuwa aan ku habooneyn Shareecada Islaamka.

Laakiin waxaa soo baxay tabo looga xeeleysto xayiraadda, oo Sogra ay ku sii wadi karto muuqaaladeeda iyada oo qolka fadhiga ka soo gasha live marka aysan xanaaneyneyn cunugeeda.

Baxsasho iyo madadaalo

Dadka reer Afghanistan waxay raadinayaan wax ay isku mashquuliyaan, maadaama barnaamijyadii madadaalada ahaa oo dhan laga joojiyay telefishinada. Music ga iyo qoob ka ciyaarka ayana la mamnuucay.

Dhallinyarada ku nool magaalooyinka ee heli kara internet fiican ayaa si joogta ah u soo galiya muuqaallo isugu jira music, dhaajin iyo shactaro.

Balse waxay afkooda ka dhawraan inay wax ka sheegaan Taliban ama ay ka hadlaan waxa la xariira dhaqaale xumada iyo xuquuqul insaanka.

Onka Ajaibzai waxay in ka badan 100,000 oo taageerayaal ah ku leedahay TikTok. Waxay ka soo jeeda Qandahaar, oo ah halka ay ugu xoogan yihiin Taliban, balse way isaga tagay dalka sanad ka hor markii ay xukunka la wareegeen Taliban, iyada oo u safartay bartamaha Aasiya, mar dambana uga sii gudubtay maraykanka.

“Doodo toos ah oo aan siyaasadda ku falanqeeyo ayaan ku lahaan jiray TikTok, balse markii la iisoo diray hanjaabaado dil la xariira ayaan iska dhaafay inaan dhalleeceeyo Taliban ama aan ka hadlo siyaasadda,” ayay tiri 21 jirkaan barata wariyenimada.

“Hadda waxaan baraa luuqadda Pashto ga iyo dhaqanka guud haweenka da’da yar eel Taliban ka mamnuucay waxbarashada.”

Marka laga yimaada dad aan rasmi ahayn oo ku bartilmaameedsada baraha bulshada iyaga oo ku dhaliila inaysan xijaab xiran, iyada si joogto ah waxay ugu labisataa dharka laga xirto galbeedka.

“TikTok wuxuu cod u nqoday haween badan oo rere Afghanistan ah” ayay tiri Onka. “Waa cod ay rabaan inay xannibaan Taliban jaahiliin ah.”

Tamana Jahish waxay 13 sano ahayd wariye siyaasadda ka warrama ka hor inta aysan u guurin Jarmallka. Waxay hadda diyaarisaa heerka labaad ee jaamacadda, sidoo kale waxay soo saartaa muuqaalo ay ku baahiso TikTok.

Iyada oo ka hadlaysa sida iticmaalka app ka uu u sii siyaaday labadii sano ee la soo dhaafay ayay tiri, “Meesha ay dadka kale u isticmaalaan madadaalo uun, dadka reer Afghanistan meel dhab ah ayuu kaga yaallaa, shaqooyinkii kale oo ay qaban jireenna waa ay joojiyeen si ay can uga noqdaan TikTok.”

Ma dhaqan gashay xayiraaddu?

Waxaa la sheegay inay dhib noqotay in la dhaqan geliyo xayiraadda TikTok “sababtoo ah waxaa la isticmaalaa VPN (Shabakadaha aan dhabta ahyn ee qaaska ah) si loo isticmaalo appka.”

Way adag tahay in qof ka yimid Afghanistan oo caanka ah app kaan uu is ilaaliyo.

“Waxaan isku dayaa inaanan tagin meelaha lagu badan yahay, markii aan danahyga dhamaystana waan isaga tagaa markiiba,” sidaas waxaa yiri qof caanka ah app ka oo sheegay inuu magacyo kala duwan isticmaalo amnigiisa dartiisa.

Muuqaalada ‘Şems Ahmed’, oo da’aada labaatameeyda ku jira, haystan in kabadan 500 oo kun oo taageerayaal ah, waxay garaan toban milyan oo daawadeyaal ah.

Muuqaaladda maadda ah ee uu sameeyo ayu uku dhex duubaa moolasha laga tukaameysto oo kamid ah meelaha ay dhallinyarada nolosha fiican ku nool kulmaan. Waa duni ay yartahay inaad aragto warbaahinta galbeedka oo ka hadlaysa marka ay warar ka tabinayaan Afghanisatan.

La qabsashada xaqiiqada xukunka Taliban – Shams wuxuu ku guuleystay inuu hawshiisa sii wato isaga oo ku hoos nool xukunka Taliban.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...