Awoodaha kibirka Iyo Caalamka Isbedelaya!

Date:

Waa mid ka mid ah xaqiiqda dhabta ah ee taariikhda la garanayo akhriste ma la socota in sanadkii 1937 loo qabtay tartan laba sarkaal oo ciidanka Japan ka tirsan.

Tartanka ayaa ah inay seef qoorta kaga jaraan midkiiba 100 qof, iyadoo labadooda ka hor dhameeyaa uu tartanka ku guulaysan doono.

Labadan sarkaal oo magacyadoodu kala ahayeen Toshiaki Mukai and Tsuyoshi Noda waxay ahaayeen saraakiil dhalinyaro ah oo derejda gaashaanle dhexe ah waxayna ka tirsanaayeen guutada Toyama. Tartankaasi ayaa dhacay mudadii Japan weerarka ku haysay dalka China.

Qofkii guuleystay waxaa lagu dhawaaqay 10-kii Disembar 1937, dhowr maalmood oo keliya ka hor markii Ciidankii Japan ay qabsadeen magaalada Nanking oo wakhtigan loo yaqaano Nanjing.

Intaasi ka dibna caasimadda Jamhuuriyadda China (oo hadda ah gobolka Jiangsu) ayay ciidamada Japan qabsadeen. Bishii December 13, 1937, guud ahaan lix todobaad gudahood in ka badan 200,000 oo qof ayay dileen oo u Shiine ah, kumanaan dumar ah ayaa iyana la kufsaday. Waxaana China  looga  yaqaana xasuuqii iyo kufsashadii Nanking ee Japan sameeyay.

Waxase yaab lahayd, ka dib maalinta lagu dhawaaqay labada sarkaal kan ugu dilka badan, haddana  labadoodaba waxay isku raaceen in loo qabto tartan kale oo ka badan kii hore oo gaadhaya 150 qof dilkooda.  Xasuuqaasi uu sameeyay Japan ayaa taariikhada dadka China baal madow kaga jira oo welina ay xusuusan yihiin. Kibirkaasi waa ka keenay in Japan dagaalkii Labaad lagu jebiyo oo ay noqoto dalka la tijaabiyo qunubuladii ugu weynayd ee dagaal lagu isticmaalo, taasi oo weli raadkeedii ka muuqdo magaaloonyinkii lagu riday. Dhinaca kalen China ee ay sidaa u xasuuqeen ayaa manta ka awood ciidan , farsamo iyo mid dhaqaaleba ka horyasay sababtuna waa iyago dadaalay si aanay bar tilmaameed ugu noqon kuwa awoodaha u adeesada si gurcan oo kibir iyo isla weyniyi ku lamaantay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...