Sabirka Guusha Iyo Dadaalka!

Date:

Dr.Benjamin Solomon waxa uu dhashay  Bishii September 18, sanadkii 1951 Gobolka Michigan ee dalka Maraykanka. Markii hooyadii loo sheegay in wiilkeedu nacas yahay , oo ay ogaatay inuu yahay kan fasalka ugu doqonsan ee ugu liita waxbarashada aad ayay u naxday. Laakiin hooyadan saboolka ayaa markiiba go’aan ku gaadhay inay wiilkeeda aqoontiisa kor u qaado. Maktabad Jaarkeeda ah ayay ka soo qaaday laba buug oo xiiso leh si uu akhristo.   Waxaana ay bartay oo ka caawisay sidii uu u kordhin lahaa akhriskiisa, waxa ay nidaamisay wakhtigiisa iyadoon haddana iska hor taagin inuu daawado Telefishinka iyo inuu la ciyaaro saaxiibadii midkoodna.

Markii buugaagta xiisaha badan uu akhristay si tartiib ayuu isu bedelayay, marka uu buug dhameeyoba waxa uu xiisaynayay buug kale sheekadiisa kaas oo uu soo qaadanayay.

Waxaana uu sheegay inuu aad u jeclaa buugaagta xayawaanka iyo deegaanka laga qoray.

Akhriska uu qabatimay ayaa kordhiyay tayadii maskaxeed ee uu lahaa iyo aqoontiisaba. Markii ay da’diisu gaadhay 22 sano waxa uu noqday Dhakhtar iyo Agaasimaha isbitaalka Baltimore ee qalliinka dareemayaasha caruurta ee dalka Maraykanka.  Waxa uu ahaa Dhakhtarkii uu horeeyey ee kala saara mataano madax iskaga dhegan sanadkii 1987.

Waxaan uu qoray in ka badan 90 buugaag iyo qoraalo caafimaadka ka waramaya. Waxaana aqoontiisu u suura gelisay inuu helo 34 jaamacadood oo kala duwan oo waxbarsho bilaash ah ugu deeqay.  Hooyadan saboolka ah ee jaariyada ahayd waxa ay ogaatay in akhrisku uu yahay wadada ay wiilkeeda awoodiisa ku noolayn karto noloshiisana ku guulaysan karo.

Tani Waa qisada dhabta ah ee nolosha dhakhtarka ugu caansan Maraykanka Dr.Ben Carson iyo sida ay hooyadii uga kaxaysay nacasnimada uguna dhigtay qof caan ah oo nolosha ku guulasytay. Dr.Ben Carson Sanadkii 1994 ayuu isaga gabadhiisu fureen dugsiga lagu magacaabo Carson Scholars Fund oo bilaash wabarashdiisu tahay.

Dr. Ben waxa uu noqday murashax u taagan jagada Madaxweynaha Mareykanka doorashadii 2016 isagoo u ka tartamay xisbiga Jamhuuriga, laakiin Xisbiga ayaa Trum u doortay inuu noqdo musharax.  Dr.Ben waa siyaasi Maraykan ah oo hadda haya jagada xohayaha 17aad ee Maraykanka ee guriyaynta iyo horumarinta magaalooyinka, taasi oo uu soo bilaabay tan iyo sanadkii 2017 . (Succes magazine)

“Haddana waxaan soo iibsaday buugaagta Diploma waana aan bartay oo imtixaankii gudbay iyadoon qofna war ii hayn” “Maanta waxaan bilaabaya Jaamcaddii insha Allah markaan dhameeyo ee aan caruurtayda u tago waxaan ku odhan doona “ Tani waa shahaadada kaboolaha idiin soo korayay ee wax idin baray ee idiin guuryay u ogolaanaysa inuu sheekada idinla wadaago oo hadalka idinku darsado”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...