Go’aanka Adag Iyo Higsiga Sareeya!

Date:

Waxa uu ahaa oday da’ ah oo madaxiisu cadaaday markii uu soo galay hoolka kulliyadad Arts , dhamaan ardaydii kulliyadaasi way isu wada taageen iyagoo filayay inuu yahay Profosserka.  Laakiin odaygu kurisigiisa ayuu iska fadhiistay sida ardayda kale.

Markii ay xiisaddii dhamaatay ayuu eegay ardaydii waxaana uu ku yidhi  “ Anigu waxaan ahay kaboole, dayactirkaa kabaha ku shaqaysta , dukaankaygu wuxu ku yaalla sekedda ugu horaysa dariiq lagu magacaabo “Kacaanka”.

Waxa aana ahay aabo dhalay 7 caruuur ah oo maanta kala Dhakhtaro, Injineero, sarkaakiil ciidanka ah iyo gabadh iyaduna kalkaaliso caafimaad ah” .

“Habeen kasta marka qoyskagu iska sheekaysanayaan oo caruurtayda oo dhami falanqaynayeen cilmiga iyo aqoonta, ayaan hadalkii wax ku darsaday , laakiin mid caruurtayda ka mid ah ayaa igu yidhi “ Aabo waxa uu ka hadlayaa mawduuc cilmi ah adiguna ma fahmaysid, ee iska dhaaf qodobkaasi”.

Aad ayaan u murugooday, laakiin wiilkayga umaan jawaabin, madaama uu cilmi iyo aqoon ku faanay, waxa ay ii ahayd farxad.

Maalintii ku xigtay waxa aan soo iibsaday manhajka waxbarasho ee fasalka 9aad dugsiga sare anigoo hore u dhameeyay dugsiga dhexe, isla markiiba waxa aan bilaabay inaan ku dhigto dukaankayga dhexdiisa iyadoon qofna iga warhayn, imtixaankiisa ayaan galay waan gudbay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...