Komishanka Oo Madaxweynaha U Gudbinaya Wakhtiga Doorashada

Date:

Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u gudbinaya Qoraal ay ku caddahay xilliga ay u qorsheeyeen inay qabtaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee isku sidkan.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Guddiga doorashada, balse Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in komiishanku markay soo dhameeyaan Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag Toddobaadkan ay Madaxweynaha u gudbinayaan Ajandahooda qabashada iyo xilliga ay u muddeeyeen inay qabtaan doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland, si markaasi ka dib uu Madaxweynuhu Wareegto ugu soo saaro.

Heshiiskii laga gaadhay khilaafkii qabashada Doorashada ee sannadkii hore dabayaaqadiisii ay wada gaadheen Xisbiyada Somaliland, ayaa waxa ku xusnaa in Doorashada isku sidkan la qabanayo bisha 5-aad ee sannadka 2021-ka, laakiin waxa loo baahan yahay in komiishanku isagu muddeeyo xilliga uu doorashada ku qaban karo, haddii waafaqayo xilliga Xisbiyadu ku heshiiyeen iyo haddii kaleba, taasi oo marka dambana Madaxweynuhu uu Wareegto ku ansixinayo.

Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...