Badhasaabka Salal Oo Ka Hor Yimid Amar Madaxweyne

Date:

Badhasaabka Salal Oo Ka Hor Yimid Amar Madaxweyne.

Amarkii Madaxweyne Muuse Biixi ku Laalay Canshuurtii Dadka Ee Xadka Lowyacado Oo Laga Hor yimid

Cabasho ayaa ka soo yeedhaysa Lawyacado, waxana ay salka ku haysaa cashuurta madax-taabashada ah ee dhan 31$ doolar ee laga qaado muwaadiniinta u talaabaya dhinaca Djibouti oo uu dhawaan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi gudaha Lawyacado kaga bishaareeyay in cashuurtaas meesha laga saaray.

Qaar ka mid ah dadkii shalay kasoo gudbay xadka Lowyacado ayaa shabakada Heemaalnews la wadaagay cadaymo muujinayay in wali la qaado canshuutii madaxtaabashada ahayd, waxana ay tilmaameen inay la yaaban yihiin waxa meesha ka saaray hadalkii madaxwaynaha walina ay cashuurtan dhabar-jabka ahi wali qaadideedu usii socoto.

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Badhasaabka gobolka Salal uu yahay masuulka ugu sareeya ee ka horyimid hadalka ka sooyeedhay Madaxwayne Bixi oo meesha ka saaraya cashuurtan, waxana uu Badhasaabku ku doodayay in dekhliga gobolka ay hoos u dhac ku keenayso cashuurta uu laalay Md. Muuse Biixi, taasna aan la aqbali karin, badalkeedana uu Hargaysa u joogo sidii uu madaxda Somaliland uga dhaadhicin lahaa in meesha laga saaro joojinta cashuurta  ay dadku ugu magac-dareen “dhiigmeerashada”.

Si kastaba ha ahaatee Madaxda Waaxda Cashuuraha ee Wasaarada Maaliyada ee Somaliland uga shaqeeya Lawyacado ayaa u muuqda kuwo uu la miisaan cuslaaday hadalka Badhasaabku iyadoo loo sibirsaarayo on Bafhasaabku Qoondo ku leeyahay Cashuurta, halka ay dhagahana ka furaysteen  amarkii uu Madaxwayne Biixi dadka ugu bishaareeyay meeshana uu kaga saaray cashuurtaas 31ka doolar ah, iyada oo ay waliba xusad mudan tahay in goobtii fagaaraha ahayd ee uu Madaxwayne Biixi bishaaradan kaga dhawaaqay ay ahayd goob ay ku sugnaayeen maamulka gobolka Salal ka degmada Saylac iyo madaxda waaxda cashuuraha ee wasaarada Maaliyada u qaabilsan Lawyacado dhamaantood.

Bulshadda ku Dhaqan Gobolka Salal ayaa Dhowr jeer oo hore Madaxweynaha uga Cawday dhibaatadda uu ku hayo Badhasaabku waxaanay mar kale ka sugayaan Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi in uu usooo magaacabo badhasaab u dhaga nugul Bulshadda Gobolka iyo Somaliland.

Xigasho: Boramanews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...