Kulan laba geesood ah oo dhex maray weftigii Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminayey iyo Madaxweynaha Dalka Kenya

Date:

War-Saxaafadeed

Kulan laba geesood ah oo dhex maray weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu hoggaaminayey iyo Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru kenyatta.

Nairobi-14-12-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha dalka Kenya mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti-qaaday weftigii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya.

Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan weftigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya, labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo u badan danaha labada dal ee Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa.

Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka Diseembar 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta.

 

Allaa Mahad Leh

Maxamuud Warsame Jaamac
Afhyeenka Madaxweynaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...