Somaliland: Cabdiraxmaan Cirro Oo Faro Madhnaan Kala Kulmay Murashax Uu Abaalkiisa Ilduufay Iyo Muumin Seed Oo Jawaab Oofwareen Ku Noqotay Kaga Falceliyey Midabadii Qarsoonaa Ee Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa faro madhnan kala kulmay kulan murashax uu abaalkiisa ilduufay Ugu Tawaawacay, kulan lagu doonayey in lagu soo ladqabeeyo axmed muumin seed Noqdey mid ay hungo iyo faro madhnan kala kulmaan xubno uu hogaaminaayey murashax cabdiraxmaan cirro ku waasi oo kala ahaa hogaamiye xirsi iyo maxamed biixi yoonis dhamaantoodna usoo xadhko xidhay inay ladqabeeyaan muumin seed iyadaa oo maalintii shalay lasoo gunaanaday shirweynihii kowaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,

kaas oo lagu Ansixiyay musharaxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, iyo sidoo kale gudoomiyaha ku meelgaadhka iyo sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, waxaana shirkaas lagu cumaamaday gudoomiye ku xigeenkii xisbigaasi axmed muumin seed ahaana musharax u tartamaayay jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi,isaga oo bixitaankiisan ku sababeeyay boob iyo cadaalada daro uu sheegay in lagula kacay oo uu hormuud ka ahaa gudoomiyaha xisbigaasi ahna musharaxa madaxweynimo mudane: c/raxmaan maxamed c/laahi (cirro).

hadaba gudoomiyaha Xisbiga waddani ayaa xubno ergo ah u diray saaka Axmed Muumin seed si ay u xaliyaan islamarkaana ay uga xaal siiyaan wixii ka dhacay goobtii shirka balse xubnahan oo ka koobaan 12 xubnood ayaa waxay waji gabax kala kulmeen gudoomiye kuxigeen Axmed Muumin Seed ka dib markii uu gaashaanka ku daruurayergodoodaasi isaga oo u baneeyay Goobtii shirka ay ku balamiyeen iyaga oo markii dambe madhnaan kala baxay goobtaasi.

Dhanka kalehogaanka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiyeayaa uxadhko xidhay baadigoobka iyo soo xerogelinta halyeeyga weyn ee Xisbiga Waddani ka biiyo diiday waxaana la sheegay in Hogaanka Xisbiga Waddani magacaabay guddi ka kooban wasiir agaasmiyaal, xubnaha golaha dhexe ee xisbigakulmiye , kuwaas oo ka hawlgeli doona sidii Axmed Muumin Seed loogu qancin lahaa inuu kusoo biiro Xisbiga Kulmiye maadaama oo uu ka cadhooday afduubkii loo geystay shirweynihii xisbiga Waddani, waxaana Xubnahan la filayaa in maalmaha soo socda shirar doceedyo la yeeshaan Axmed Muumiin Seed

Gebgebdii Axmed Muumiin seed ayaa iskaga baxay shirweynihii xisbiga Waddani, kadib markii gudoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Majaar habaabiyo geed socodki iyo nidaamki shirweynahaas, waxaana sidoo kale goobtaas Dibad joog ka ahaa xubnihii golaha dhexe iyadoo goobtaas la keenay xubno dheerad ah oo Gudoomiye cirro jeebkiisa kalaa soo baxay si musharax ku xigeen loogu magacaaboDr Maxamed Cali Cabdi oo xisbiga Waddani ku ogyahay Jeeb kuusaan.

Comments

comments