Somalia: Shiinaha Iyo Soomaaliya Oo Isku Bahaysanaya Inay Wiiqaan Heshiiska Iskaashi Ee Ay Somaliland La Saxeexatay Taiwan

Date:

Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa bilaabay dagaal ka dhan ah Somaliland, ka dib markii Somaliland heshiis iskaashi la saxeexatay Dawladda Taiwan oo ka go’day Shiinaha.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Muqdisho Qin Jian ayaa Shalay Magaalada Muqdisho kaga wada-hadlay Xidhiidhka dhex maray Somaliland iyo Taiwan, waxayna si cad u sheegeen in aanay Raalli ka ahayn in la wiiqo Midnimad dhuleed ee Shiinaha iyo Soomaaliya, taasi oo la macno ah in Shiinuhu aanu ogolayn in Taiwan oo ka go’day Cid xidhiidh la samayso, halka Soomaaliyana ay diiddan tahay in Somaliland Cid kale xidhiidh la samayso.

War-saxaafadeed Xalay fiidkii ka soo baxay kulanka Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu sheegay “labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.” Ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka laga soo saaray kulanka dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha Shiinaha.

Waxa kale oo War-saxaafadeedka lagu sheegay “Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.” Ayaa mar kale lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay kulankaasi, kaasi intaasi ku daray in Danjiraha Shiihuhuna ka soo horjeedo waxa loogu yeedhay Xad-gudubka Taiwan ee Midnimada dhuleed ee Soomaaliya “Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha (Soomaaliya) la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.”

Dagaalkan siyaasadeed ee Dawladda Soomaaliya bilowday, ayaa imanaya laba Toddobaad uun ka dib, Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti, kuwaasi laga soo saaray Qodobbo la doonayo in isugu soo dhaweeyo labada dhinac, sida in la joojiyo hadallada keenaya in la sii kala fogaado iyo weliba in lagu heshiiyey in Wada-hadalladu sii socdaan, laakiin tallaabooyinka Soomaaliya ee lid ku ah Somaliland ayaa keeni kara in Wada-hadalladu burburaan.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...