Somaliland: Ciidamada Booliska Somaliland Oo Magaalada Hargeysa Ku Qabqabtay Dhar Ciideed Dalka Lasoo Galiyey Iyo Sababta

Date:

Guddiga Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland oo kaashanaya ciidamada Booliska Somaliland isla markaana maalmihii u danbeeyey hawlgallo ka waday gudaha magaalooyinka Somaliland ayaa waxay caasimada Hargeysa ka qabqabteen Dhar Ciideed magaalada lasoo galiyey.

Dharkan ay guddiga iyo Ciidamadu qabteen ayaa waxa naloo sheegay in ay Laabta kaga xardhanayd Calaamada Saliibka Ama Karooska ah ee Kiristanka kuwaas si wayn laabta ugaga dhajisnayd,waxaana ay dharkan ay qabqabteen ay u badnaayeen dharka ragga gaar ahaana Funaanadaha.

Sidoo kalena ciidamadu waxay qabteen ganacsatadii dalka keentay kuwaas oo dhamaantood amar lagu siiyey inay saldhiga keenaan dharkaasi ay magaalada soo galiyeen ee ay Laabta kaga xardhan tahay Calaamada Kiristanku.

Gabagabadiina maalmihii u danbeeyey waxa dalka Somaliland soo galayey dhar iyo kabo ay ku xardhan yihiin wax kasoo horjeeda Diinteena Macaan ee Islaamka,balse arrinkaas ayaa waxa aad uga hawl galaya ciidamada Booliska iyo guddiyo ay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland wakiilatay oo culimo ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...