Somaliland: Shirkada Somtel ee hormoodka is-gaadhsiinta iyo tignoolijiyada casriga ah, oo  usoo bandhigtay abaalmarintii abid ugu qaalisanayd ee gayiga soomaalida lagu bixiy

Date:

Shirkada Somtel ee hormoodka is-gaadhsiinta iyo tignoolijiyada casriga ah, oo  usoo bandhigtay abaalmarintii abid ugu qaalisanayd ee gayiga soomaalida lagu bixi

Haddaba shirkada Somtel oo looga bartay in ay macaamiishada ku soo celiso faa’idadeeda qayb, marka kasta oo loo baahdona ka qayb qaadata gargaarada deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee waxbarasho ama caafimaad, ayaa hadda macaamiisheeda u soo bandhigtay 5kun oo abaalmarinood, oo ay ka mid yihiin 10 gaadhi oo Hyundai ah oo cusub, Mobilo, qasaalado, dahab, shidaal, lacag, akoon xisaabeed lacagii ku jirto oo lagaga furayo bangiga Dahabshiil iyo sidoo kale in aad si bilaash ah ku degto oo aad ku damaashaado Hotelka Damal.

Barnaaamijka oo maant la daahfuray ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u faro-badan oo danaynayay hadyadahan.

Waxaa sidoo kale halkaa ku sugnaa masuuliyiinta iyo madaxda Somtel, Dahabshiil Bank, Shirkada Baabuurta ee Hyundai iyo Hotelka Damal.

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay madaxa suuqgeynta shirkada Somtel, Khadar Abdirahman oo faahfaahin ka bixiyay abaalmarinaha kala duwan ee lagu guulaysanayo. (hadalka khadar)

Sidoo kale, Samir Dualeh, oo ka tirsan masuuliyiinta shirkada Somtel ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay barnaamijkan, isaga oo xusay in barnaamijkan ay ka qayb geli karaan dhamaan macaamiisha shirkada ee gobolada dalka oo dhan.

Isaga oo sidoo kalena sheegay in abaalmarinta ay u dhacayso si cadaaalad ah, shuruuda ku xidhana ay tahay in qofku isticmaalo adeegyada ku hadalka, iyo internetka Somtel, iyo adeega eDahab – sidoo kale waxaa barnaamijka ku guulaysan kara dhamaan tafaariiqlayaasha ama resellers-ka iibiya adeegyada Somtel ee kala duwan. Samir Ducaale ayaa sidoo kale u mahadnaqay, shirkadaha ka qayb qaatay barnaamijkan abaamarinaha, gaar ahaan Dahabshiil Bank, Shirkada baabuurta Hyundai, Damal Hotels iyo Shirkada Samsung.

Geesta kale, maamulaha shirkada baabuurta ee Hyundai Cawil Saalax ayaa isaguna macaamiisha Somtel ee ku guulaysta baabuurtan uga war bixiyay qiimaha iyo tayada baabuurtan. Sidoo kale Cawil ayaa balan-qaaday in ay guulaystayaasha siin doonaan cilad saar bilaash ah.

Ugu dambayn, maamulaha Damal Hotels Saddo Mohamed Siciid ayaa balanqaaday in macaamiisha Somtel ee ku guulaysata abaalmarinta Damal Hotels ay si weyn u soo dhaweyn doonaan – ayna gacmo furan ku qaabili doonaan – marka ay yimaadaan Damal Berbera ama Hargaysa.

Dhamaad.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...