Somaliland: Jamaal Cali Xuseen Oo Jahawareer Ku Tilmaamay Hanaanka Hogaamineed Ee Somaliland Ku Jirto Maanta

Date:

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ugu miisaanka Culus, Islamarkaana aadka ugu dhuun daloola xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland kujirto iyo guud ahaan Siyaasaddaha Geeska Afrika ka socda ayaa ka hadlay khudbaddii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka jeediyay Doraad Golaha Baarlamaanka Dalkaasi kaasi oo uu ku soo qaatay kalmadu kooban oo ku saabsan Somaliland.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa si gaar ah uga hadlay hadalkii mahadnaqa ahaa ee Farmaajo uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland  Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu ka aqbalay in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya dib loo furo, waxaanu hadalkaasi Siyaasi Jamaal ku tilmaamay mid si gaar ah uga yaabiyay oo muujinaya jahawareerka siyaasadeed ee Somaliland maanta ku jirto, isagoo sheegay inay isku qaban laayihiin hadalkaasi Soomaaliya ka soo yeedhay iyo go’aankii todobaad ka hor Somaliland ku sheegtay inay maxkamadda Aduunka qadiyadeedda horgaynayso oo aanay wax wada hadal ah la furi Karin Soomaaliya illaa ay ka ogolaanayso gooni iskutaagga Somaliland, waxaana uu sheegay inuu si gaar ah ugu jahawareersan yahay hadaladaasi isburinaya oo aanay isku qabanayn.

Qoraal uu Jamaal Soo Dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi “Shalay markuu qudbadda jeedinaayey madaxweynaha Soomaaliya waxaan moodayey inuu u mahadnaqay madaxweynaha Somaliland inuu wadahadaladdii ka ogalaaday oo dib loo furayo. Sownigii moodaayey in ay dhowr wiig ka hor ay Somaliland tidhi kiiskayaga maxkamadda adduunka ayaanu hor geynaynaa oo ilaa ay ogoladaan inaynu nahay laba siman cidna la hadli mayno? ”.

Waxa kale oo uu ku yidhi “Xaggee bay salaaddu ka xidhmi la’adahay, mar waxaynu maqlaynaa la hadli mayno iyo hanjabaad kulul xagga kalena Muqdisho ayaa ina leh waanu wadahadalaynaa wax dafiraad ahna maynaan arag. Dalkani xisbiggii Wadani ee mucaaridka ahaa ee in ka badan boqolkiiba afartan codka dadweynaha helay xaggee bay ka dhaceen oo maxay u naqdiyi laayihiin siyaasadda arrimaha dibadda iyo maxkamaddaha iyo garsoorka iyo dhaqaalaha dalka iyagoo fursaddo talo soo jeedin ahna ka dhiganaya”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...