Somaliland: “Hore Ayaan U Sheegay Oo Hanqaraarac Lug Uma Dhutiyo; Reerka Aan Kasoo Jeedo Iyo Deegaankayguna Taariikh Fiican Ayay Leeyihiin Oo Wax Gunti La Galiyo Ka Weyn”

“Wey Jiraan Odayaal Gaboobay Oo in Badan Nasoo Hor Taagnaa, [Maantana] Waa Waqtigii ay   Tusbaxa Qaadan Lahaayeen”

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka somaliland   Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo) ayaa waxa uu ku sheegay inaanu xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisaba ka tagayn. Wasiirka Oo Warsaxaafadeedkan u qeybiyey warbaahinta ayaa waxa uu u dhignaa sidan:  “Marka La Galo Waqti Tartan iyo Olole kaanbaynku Wuu Wajiyo Badan Yahay Waxaa Ka Mid Ah in Raga Madaxda Ah Ee Asxaabta Kale La Bartilmaameedsado Waxay Ka Mid Tahay Baro, Bogaando iyo Dacaayado Raqiis Ah Oo Ay Waddani Ku Furayaan Xubnaha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada ku Jira Oo Ay is Leeyihiin Waxbaad kaga Badali Kartaan. Suurto Galna Maaha Kulmiye Waa Xisbigaygii Muddona Waan Soo Ahaa Suurto Galna Noqon Mayso inaan ka Tago, Waad la Ogyahay Waqtiga iyo Dadaalka aan Galiyay Xisbiga Gurigaygu Waxuu Noqday Xafiis Calanka Kulmiye ayaa ka Taagan, Waxaa ugu Danbeeyay Gaadiidkii aan Wareejiyay Kulmiye meel aan kaga Tago Maanta Ma Jirto.Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Madaxweynaha Mustaqbalka Waxaanu Nahay Saaxiibo isku Dhaw Waxaan Ogahay Dalkan iyo Dadkan Halka Siilaanyo Gaadhsiiyay inuu Meel ka Sareysa Gaadhsiinayo. Hore ayaan u Sheegay Hanqaraarac Lug uma Dhitiyo Reerka aan Kasoo Jeedo iyo Deegaankaygu Wax Gunti La Galiyo ka Weyn ,Qof Wax u yeedhiyo ama Marka Xisbiga Qof ka Tago Wax u Noqdo maaha Taariikh Fiican ayay Leeyihiin.

Dad Maaha Shakhsi Waxyeeli Karo, Wey Jiraan Odayaal Gaboobay Oo Waaweyn Oo Naga Dhanbugsaday in Badana Nasoo Hor Taagnaa Odayaashii Waxay ahayd Waqtigii ay Nasan Lahaayeen ee ay Tusbaxa Qaadan Lahaayeen iyaga ayaa Nasoo Hagay Oo Xisbiga Nagu Soo Hogaamiyay iyaga ayaa Hormuud Noogu ahaa Daqiiqadihii u Danbeeyay in ay Khaatumo Xumeystaan Runtii ilama,inta aad iyaga Sheegaysaan Kaadiriyiin Badan ayaa ku jira Xisbiga Kulmiye Waad Ogtahay Maaha Xisbiga Nagala Leeyahay Maaha Xisbi aanu Qariib Ku nahay Kulmiye Xisbi aanu Leenahay Weeye Markaa Xisbigii aan Lahaa Cidna u Daba Fadhiisan Maayo

Wabilaahi Tawfiiq

Mohammed Ibraahin Adan

Qaybo-tire

Comments

comments