Somaliland: Madaxweyne Farmaajo Oo Baajiyay Kulan Uu La Yeelan Lahaa Wakiilada Beesha Caalamka

Date:

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay baajiyay kulan uu Madaxtooyada Villa Somalia kula yeelan lahaa Wakiilada Beesha caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho.

Kulankan oo ahaa mid la sii ogaa labadii maalmood ee la soo dhaafay oo balantiisa aheyd mid qorsheysneyd ayaa Madaxweynuhu go’aansaday xilli dambe inuu baajiyo kulanka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka in waqtigooda ku dhacaan, xiisada Gobolka Gedo ee xuduuda, khilaafka Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada sidii is faham looga gaari lahaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnaha Beesha Caalamka ee shirkaas ka qeyb geli lahaa ay Madaxweynaha u wadeen farriin ku saabsan sidii dowladda u wajahi laheyd howlaha horyaala, maadaama dalku geli doono kala guur lixda bilood ee soo socda oo dowladdu muddo xileedkeeda soo yaraanayo.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb geli lahaa Safiirada dalalka Midowga Yurub, UK, Wakiilka Qaramada Midoobey iyo wakiilo kale.

Maalmihii u dambeeyay wakiilada Beesha caalamka ayaa war ka soo saarayay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo u dambeeyay war saxaafadeed maalin ka hor ka soo baxay Midowga Yurub oo looga hadlayay xaaladaha amni ee ka jira Galmudug iyo Jubbaland.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...