Deg Deg: Ceel Ku Dumay Shan Nin Oo Ka Qodayey Deegaan ka Tirsan Gobolka Awdal Ayaa Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Date:

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Fardalagu xidh ayaa sheegayay in hal nin uu ku qudhbaxay afarkalan ay ku dhaawacmeen, ceel ay qodayeen oo ku dumay.

Gudoomiyaha tuulada Fardalaguxidh ee ka tirsan gobolka Awdal, mudane Saleebaan Cabdi Muuse ayaa xaqiijiyay dhimashada ninkan iyo dhaawaca afarta nine e qodayay ceelka.

“Shan nin o qodayay ceel ayaa uu ku dumay ceelkii halkaana waxa ku nafwaayay nin kamid ah ragii oo la odhan jiray Marxuun Abuubakar Liibaan Cumar. Ceelkan oo ay u qodayeen beer kutaala dooxada Gab ee uu ku yaalo dugsiga boodhinka, waxa kale oo ku dhaawacmay afartii nine e la qodayaymarxuunka ceelka.

Midkamida ayaa isagu dhaawaciisu uu halis yahay waxaan lageeyay hada degmada Garbo Dadar waxana uu kujiraa kooma. Ama xaalad nafka eeg. Hase yeeshee sedexdii kale oo dhaawacyo fudud ah ayaa lagu hayaa hada tuulada Geb ee dugsiga u dhow.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Fardo Lagu Xidh mudane Sulaymaan.

Sikasta ha ahaatee shilalka noocan ah ee aalaaba ka dhaca deegaanada fogfog ee gobolada Awdal iyo Salal waxa ay yihiin kuwo ay aad u adagtahay in ay helaan dhibanayaashu adeegyo caafimaad ama gaadiid Ambulaas ah oo meel dhakhtaro fiicanleh gaadhsiisa dadka dhaawaca ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...