Itoobiay Oo Markii Ugu Horreeyay Ka Hadashay Kulankii Dhex-Maray Biixi Iyo Farmaajo

Date:

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeyay ka hadashay kulankii dhawaan dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay arrin wanaagsan raali-gelintii Madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhibaatadii dowladda Kacaanka u geysatay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xilligaas la adeegsanayay magaca dowladda.

Sidoo kale Qoraalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in aqbalaadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee raali-gelintii Farmaajo ay tahay mid muujineysa isku soo dhawaansho labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre, Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay tallaabadan inay tahay mid taariikhi ah” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Si kastaba kulankii dhexmaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kasoo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...