Somaliland: “Madaxweyne Kalsoonida Umadda Ha Lumin” Xildhiban Qabiile

Date:

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan, ee uu fariinta ugu diray Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu xusay in aanu isagu ahayn Afhayeenkii Qaranka, awood uu ku amrana aanu lahayn.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu ilalaiyo karamada iyo sharafta Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xisbiyada Mucaaradku hore ayey mawqifkooda ugu hadleen, una soo bandhigeen in aanay rabin in Komishankani aanu doorasho u qaban karin, waxaa se wax aad loola yaabo ah qaabka uu u hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, laakiin Guddoomiyaha Guurtida waxaan leeyahay ma tihid Afhayeenkii Qaranka, Xisbiyada Mucaaradkuna kuma ah Arday aad macalin u tahay oo fasal kugu jira, amarkaaagana qaadanaya, ee adigu waxaad Guddoomiye u tahay oo aad magacooda ku hadki kartaa Golaha aad Guddoomiyaha ka tahay ee Guurtida, ee anigoo Qabile ah iyo adigoo ah Guddoomiyihii Guurtida fikirkeena ayeynu ku hadli karnaa, tallooyina weynu soo jeedin karnaa, laakiin amarka iyo go’aan ma siin karno Xisbiyada Qaranka, laakiin Guddoomiye qaabka aad u hadashay maaha qaab loo baahan yahay, Xisbiyada Mucaaradkana qasab doorashooyin looguma qaban karo, oo hadda Komishankan kuma leh xubno, madaama xubintiI UCID-na is casilay, xubintii Waddani-na horeba waa tii looga saaray iyadoo aan la ansixin, ee Guddoomiyaha Guurtidu inuu dhex u noqdo XIsbiyada iyo Xukuumadda ayaa haboon”.

Mar uu Madaxweynaha tallooyin u diraayey ayuu yidhi “Madaxweynaha Qaranka astaantii iyo sharaftii umadda ayuu huwan yahay, haddii uu wax saxo danta umadda ayaa ku jirta, haddii wax u khaldana umadda ayey waxyeelo ku tahay, sidaas awgeed waxaan  leeyahay Madaxweynaha Madaxweyne karaamada, sharafta iyo astaanka qaranka ee aad huwan tahay ilaali, oo kalsoonida umadda ha lumin, oo Dimuqraadiyada Somaliland-na cidhiidhi ha galin,, ee balanqaadkii aad u sameeysay Beesha Caalamka fuli, oo Madaxweyne ha noqon Madaxweynihii ugu horeeyey Somaliland ee Dimuqraadiyada cidhiidhi galiya, iyo xoriyatul qawalka meesha ka saara, kalsoonida umaddana lumiya, ee Somaliland maanta badbaado ayey u baahan tahay, ee Madaxweyne horseed ha noqon inaad gaadhsiiso meel aan laga soo qaban karin,ee si ay dalka uga qabsoomaan Doorashooyin lagu wada kalsoon yahay, waad inaad sameeysa waxaa raalida laga wada yahay, balse Madaxweyne haddii ay umaddii aamusan tahay, ha moodin in farxad la aamusan yiihin, oo loo bo bogay Xukuumaddada, balse waxaa dhab ah inay yaaban yihiin”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...