Somaliland: Wasiirka Caafimaadka Oo Haayadaha WHO iyo MSF La Kaashanaya Ka Hortaga Iyo Jawaab ka Bixinta Xanuunka Corona

Date:

Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa kulan degdeg ah isugu yeedhay haayadaha Somaliland ka taageera dhanka caafimaadka si ay qalab farsamo iyo waxii kaleba ay uga gaystaan xanuunka dunida ku faafaya ee Corona sidii ay uga hortagi lahaayeen, isla markaasna loo xakamayn lahaa hadii wax kiisas ay yimaadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka xanuunkaas qaada lagu wareejin doono haayada WHO si ay u karantiimayso isla markaasna ay haayado badan dhanka qalabka iyo baadhitaanada isaga kaashan doonaan, waxaanu kulankaas isaga oo warbaahinta kula hadlay uu yidhi “ Ujeedada ugu weyn waxa weeye kow wasaarada caafimaadku ilaa hada talaabooyinkii ay qaaday ee ay ugu diyaar garoobaysay alle inaguma keenee hadiiba ay dhacdo in xanuunkaasi ina soo gallo markii aan anagu dib qiimayn u samayno ee aan qiimaynay khibradii,agabkii isku xidhkii ay diyaar garowgii iyo fahamkii markaanu qiimaynayna waxa soo baxay in ay qasab noqotay inaan la xidhiidhno haayadaha aan bahwadaagta nahay ee aan wadda shaqayn jirnay si iyaguna aqoonta iyo agabka iyo farsamadaba ay wax ugu daraan oo aan is kaashano, xanuunada faafayaa aduunkana hore ayay u soo mareen waanay soconayaan laakiin waxa cusub waa isku socodka dadka oo sidii uu ahaan jiray ka badan meel walba aduunyada oo keenaya in xanuunadu habkii ay u faafayeen ay is badalaan, haayad walaba iyo urur walba hada wax cad kaalinta uu ka qaadanaya iyo sida uu hawshaas diyaarka ugu yahay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxaan isla qaadanay inaan samaysano isku xidh u dhaxeeya wasaarada horrumarinta caafimaadka iyo haayadaha caalamiga ah iyo kuwa kaleba oo lagu wadaagayo xogta ama ha la xidhiidho agabka amaba ha la xidhiidho hadii xanuunka xaalad la arko habka loo wadaagayo, waxa kale oo aan isla garanay in marka qof xanuunkaas looga shakisan yahay baadhitaankiisa ay arintaasi noqoto mid WHO ay gacanta ku qabato sida oo kale haayada MSF ay iyaduna qayb ka noqon doonto, waxa kale oo aan isla garanay in la socodka xogta aynu u baahanay tabobaro iyo qiimaynta xaalada in laga wada socdo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...