Guddoomiyihii hore ee Bangiga Anglo Irish oo ka mid Noqday Maamulka Sare ee Dahabshiil

Date:

Hargeisa (Wargane News) Guddoomiyihii hore ee Fulinta Bangiga Anglo Irish Bank, Mike Aynsley ayaa ku soo biiray Guddiga Sare ee Adeegga ganacsiga Lacagaha ee Afrika (The African money service business (MSB) ee Shirkadda Soomaaliyeed ee Xawaalladda Dahabshiil Transefer Services.

Waxa kaloo uu oggolaaday inuu noqdo Agaasimaha KMG ee Maamulka ee Shirkadda ku leedahay gudaha dalka Britain, halkaasi oo uu ku yaallo Suuqa Xawaaladda ee ugu weyn ee Lacagaha u dira Somalia, taasi oo sannadkiiba laga xawilo lacag dhan 500-million oo Dollar.
Shirkadda Dahabshiil waxaa u shaqeysa 5,000 oo qof oo ka hawlgala 286 Xarumood oo ku taalla gudaha dalka Somalia, waxayna faracyo ku leedahay 150-waddan, iyadoo dalka Britain oo keliya u joogaan 180-Wakiillo Xawaaladeed. Guddoomiyihii hore ee Fulinta Bangiga Anglo Irish Bank, Mike Aynsley waxa uu tilmaamay inay Hawshiisa cusub tahay sidii uu u hubin lahaa Hawlaha Ganacsi ee Xawaalladda caadi ugu hawl-galayso.
“Somalia ma laha Nidaam Maaliyadeed, waana taasi tan keentay inay Shirkadda Dahabshiil buuxiyaan Kaalinta Nidaamka Bangiyeed” ayuu yiri Mike Aynsley oo intaasi ku daray inay Dahabshiil tahay mid ammaan oo qaab nadiif ah lacagaha ugu dirta gudaha dalka Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in Lacagaha Xawaaladaha ku miisaan yihiin Lacagaha ay Beesha Caalamka ku taageeraan Somalia,si horey loogu socodsiiyo HAWLAHA Siyaasadda, Samafalka iyo deganaanshaha Dhaqaalaha. Shirkadda Dahabshiil waxaa kaloo isticmaalaa Hay’adaha Samafalka ee Lacagaha u dira gudaha dalka Somalia, waxaana macaamiisheeda ka mid ah Hay’adda Mo Farah Foundation, Oxfam iyo QM.
Xigasho:- Irish Times
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...