Somaliland: Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritrea Oo Dhisaya Iskaashi Cusub Oo Jabuti Banaanka Ka Joogto

Date:

Hoggaamiyayaasha Somaliya, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay shalay ku kulmeen ku sheegay inay doonayaan in la aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi cusub oo goboleed.

Waxase isbahaysigan ka maqan dawladda Djibouti oo iyadu hore ugu jiri jirtay halka ay Ereteriya maanta ku jirto.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa war-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga midho-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

Waxay sheegeen saddexda hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca amniga waxay sheegeen inay ku heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana baabi’iyaan halista uu gobolku wajahayo ee dhinaca argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

Geesta kale, dalka Djibouti, ayaa ka maqan isbahaysigan, waxaana tan iyo markii uu isbedelku ka dhacay dalka Itoobiya muuqata in kaalintii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu galay Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo ay colaad gaamurtay oo labada dal ahi ka dhaxayso.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...