Somaliland: “Faysal Wuxuu Sharci Ku Yahay Xeerarkii Goluhu Dejiyay” Xildhibaan Siciid Cartan Oo U Jawaabay Faysal Cali Waraabe

Date:

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Siciid Cartan Cismaan waxaa kale oo uu ka hadlay taladii ay soo saareen gudidii dhexdhexaadinta asxaabta iyo Xukuumadda oo uu sheegay in taladooda loo eegayo sharciyadda qaranka.

Siciid Maxamed Cilmi oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa uu dadka ku dhiiri galinayay Faysal Cali Waraabe in Baarlamaanka loo daato taasina waa Sharci darro iyo meel ka dhac ayay ku tahay Qaranka iyo wax aan ku Wanaagsanayn, waxaanu hilmaansanyahay tiradii ugu yarayd ayuu ka helay Faysal Cali Waraabe Doorashadii Madaxtooyadda, waxaanan leeyahay Baarlamaanku Sharciyad ayuu ku joogaa iyo ta uu ku yahay 15 sanno Guddoomiyaha Xisbiga UCID, “

Xildhibaan Siciid Cartan ayaa waxa uu Sheegay in Sharciga loo raacayo Tallo soo jeedintii ay soo saareen Gudidii Dhexdhexaadinta.waxaana uu ydhi “Odayaashii is xil qaamay Go’aan may soo saarin ee waxaay soo saareen talo soo jeedin ayay ahayd waanay ku Mahadsanyihiin, waxaana loo akhrinayaa talo soo jeedintaa Xeerarka iyo Sharciga Qaranka u yaalla wixii aan Sharciga Waafaqsanayn waa waxba kama jiraan,”.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dhismaha dekedda Berbera oo ay dhawaan soo kormeereen, waxaanu yidhi. “Waxaanu soo kormeernay Dekeda Magaalada Berbera si Wanaagsan ayayna u socotaa Dhismaha dekeda Berbera Magaalada Berbera Mustaqbal Wanaagsan ayaa usoo ifaya.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...