Somaliland: “Waxa Inoo Dhaqan Ah Oo Aynu Dalalka Kale Dheernahay Wada Tashiga Iyo Isku Tanaasulka”

Date:

“Waxa Inoo Dhaqan Ah Oo Aynu Dalalka Kale Dheernahay Wada Tashiga Iyo Isku Tanaasulka”
Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, gaar ahaan heshiiska laga gaadhay colaadii muddada dheer ka taagnayd Ceel-afweyn iyo qadiyada madax banaanida Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay heshiiska Ceel-afweyn

wuxuu yidhi “Waxaan marka hore mahad oo dhami u sugnaatay ILLAAHAY, mar labaad waxaan ugu faraxsan nahay, oo si kal iyo laaba ugu faraxsan nahay heshiiska lagu heshisiyey gacanta lagu isku saaray labada beelood ee walaalaha ee wada dega Ceel-afweyn, in laga heshiiyo colaadada muddada dheer soo jirtay oo colaadii heshiis iyo walaaltinimo dib loogu soo celiyo waa arin loo baahna, labada beeloodna waxaan leeyahay waad ka war haysaan sida la idinku soo gurmaday ee haddii ay tahay Culimo, Siyaasiyiin, Dawladda, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Mucaarad iyo Muxaafidba, ee gurmadkaas la idiin soo gurmaday, iyo sida aan looga xumaaday cadawada soo noq-noqotay iyo dhiigaas aad kala daadiseen iyo sida loo jecel yahay heshiiskiina iyo nabadiina,ee sidaas u ilaaliya heshiiska, oo dhiiga qofka muslimka ahi in sabab la’aan lagu daadiyo ILLAAHAY uu xarimay, ee islaaxa mar kasta ogaada, oo ALLE ka cabsiga ogaada, oo horumarkiina iska kaashada, oo cadawad dambe oo aanu ka naxno yaanu dhexdiina mar dambe ka dhicin, cid kasta oo fidno abuuraysana waa inaynu gacan bir ah ku qabana”.

Mar uu baaq u diraayey guud ahaan Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Shacabka Somaliland meel kasta oo ay jogaan waa Shacab aad u wanaagsan, oo dalkooda jecel, oo qarankooda jecel, oo madax banaanidooda jecel, Shacabka Somaliland iyagoo xor ah ayey madax banaanidooda, qadiyadooda iyo qaranimadooda u coddeeyeen, cid wax ka bedeli kartaana ma jirto,waxaana marag madoon ah inaynu nahay dal xor ah,waana lagama huraan inaynu caalamka ka helno aqoonsiga inagaga xidhan, waxaan inoo dhaqan ah oo aynu dalalka kale dheernay wada tashiga iyo isku tanaasulka iyo xalinta dhib walba oo inagu soo korodha,ee guud ahaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay mid ahaada, oo qarankiina mid ka ahaada, oo dalkiina mid ka ahaada, oo gacmaha iska qabsada”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...