Guuldaradii, Dhaleeceynta Loo Jeediyo, Kala Sarreynta & Wax Walba Uu Unai Emery Kaga Hadlay Wareysigii Uu Bixiyay Kadib Guuldaradii Leicester City.

Date:

Arsenal ayaa la kulantay guuldaro xanuun badan kadib markii ay marti u noqotay Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana kala diray Jamie Vardy iyo James Maddison oo qeybtii dambe ciyaarta laba gool ka dhaliyay.

Weeraryahanka Englad ayaa jecel inuu ka hor yimaado Gunners, goolkiisii 9-aad ayuu ka dhaliyay 9-jeer uu kusoo bilowday kulamada looga soo horjeedo, waana hogaamiyaha gooldhalinta Premier League kaas oo dhaliyay 11-gool, sidoo kalana wuxuu agaasimay goolka Maddison.

Si kastaba tababare Unai Emery wuxuu aqbalay guuldaradii xalay soo gaartay, wuxuuna bixiyay wareysi uu dhinacyo badan kaga hadlay kadib wixii ka dhacay King Power Stadium.

“Waxey ila tahay in ciyaartoyda ay wanaag ku dareemeen habkaan, sanadkii hore waan adeegsanay wax fiican ayaan ku sameynay, waxey ku xiran tahay sida aan u helno tayadeena ugu fiican, waana adeegsanay sanadkii hore inagoo ku helnay natiijo fiican” ayuu yiri Unai Emery oo ka hadlayay hanaanka saddexda difaac.

“Waxaan u baahanahay inaan dib usoo celino kalsoonideena, waxaan u baahanahay inaan dulqaad u sameyno xaaladaha qaar, waxaana dooneynaa inaan sidaas sameyno” ayuu yiri mar kale isagoo ka hadlayay natiijooyinka ay bishii hore heleen.

“Waxaan u sheegayaa kooxda iney noqdaan kuwa xoogan oo soo kabta, sidoo kale waxaan heysanaa ciyaartoy da’yar oo koriimo sameynaya, waan ogahay inaan heleyno dhaleeceyn, balse horay ayaan ula kulmay waana kasoo kabtay”

“Waan aqbalayaa dhamaan dhaleeceynta, waa wax caadi ah, maanta hal tallaabo ayaan horay u qaadnay sidii aan difaaceena u xoojin laheyn”

Sidoo kale wuxuu tababaraha ka hadlay kala sarreynta horyaalka iyo natiijadii ay xalay kusoo heleen King Power Stadium.

“Wax badan ayaan ka fognahay hadda, balse waxaan qaadaneynaa wakhti aan isugu diyaarino, ku hormarno, sidoo kalana aan kooxda ku miisaanno”

“Man United iyo Spurs wey naga hooseyaan, sidaas darteed waa tartan loo siman yahay, balse waxaan heysanaa wakhti aan ku yareyno farqiga ay naga sareyso Foxes”

“Waan ka murugoon karnaa natiijada, balse dhaqanka ciyaartoyda, si fiican ayey hanaan ciyaareedka ula falgaleen, qeybtii labaad waxaan abuurnay fursado, markey dhaliyeen waan luminay fursadaheena”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...