Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Crystal Palace, Tammy Abraham Iyo Christian Pulisic Oo Markale Shabaqa Tagay & Blues Oo Booska LABAAD Soo Galay.

Date:

Kooxda Chelsea ayaa guul ka gaadhay Crystal Palace oo kusoo booqatay Stamford Bridge, Kulankan ayaa ah mid ay Chelsea saddexda dhibcood siiyeen xiddigaheeda kulankii horena goolasha soo dhaliyay ee Tammy Abraham iyo Christian Pulisic.

Guushan ayaa ah mid Blues ay kumeel gaadh ugu sii galeen booska labaad ee miiska kala sarreynta horyaalka iyagoo ka warsugi doona kulanka ay caawa Leicester City soo dhawaynayso Arsenal

Sidii caadiga ahayd ee la filayay, Kooxda martida loo ahaa ee Chelsea ayaa kulankan ku bilaabatay iyada oo ah kooxda gacanta sarre leh isla markaana abuuraysa fursadaha badan halka Palace ay daafac ku ururtay.

Pulisic oo wacdarro u dhigayay Chelsea kulamadii ugu dambeeyay ayaa fursadii ugu horreysay ee ugu halista badnayd abuuray daqiiqadii 12-aad, Pulisic oo soo maray daafac Palace ah ayaa toos u wajahay goolhaye Guaita balse goolhayaha ree Spain ayaa celiyay darbad uu meel dhaw kaga laagay.

Intaa kaddib kulanka ayaa noqday mid aad u xoogan oo ay fursadaha halista ahi ku yaraadeen, Chelsea ayaa fursado dhawr ah samaysay balse isku daygeeda ayaan ahayn kuwo halis ah maadaama daafaca Palace uu ahaa mid aad u habaysan oo xoogan.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Qaybtaas ayaa ahayd mid ay Chelsea cadaadis badan kubad haysasho ku saartay Eagles balse daafaca Eagles ayaa ahaa mid aan la loodin karin.

Willian ayaa daqiiqadii 49-aad ee qaybta dambe qarka u fuulay inuu ismari waaga kulanka jabiyo, Xiddigan oo goolka ku leexiyay kubad uu soo dhiibat Reece James ayuu darbadiisa oo goolka hortiisa ahayd celiyay Gary Cahill.

GOOAL: Chelsea ayaa ugu dambayn goolka furitaanka ee kulankan la timid, Tammy Abraham oo markale shabaqa gaadhay, Willian ayaa baas deg deg ah uga dhex furay Abraham kaas oo toos goolhayaha u wajahay si farsamaysana dhinac uga dhigay kubadda.

Markale Pulisic ayaa ku dhawaaday inuu hoggaanka u dheereeyo kooxdiisa daqiiqado kaddib goolka koowaad balse darbad xoogan oo uu xerada ganaaxa dhexeeda kasoo tuuray geeska goolkana ku aadanayd ayuu celiyay goolhaye Guaita.

GOOAL: Goolka labaad ee Blues ayaa soo xaadiray daqiiqadii 79-aad, Weeraryahan Batshuayi oo bedel ku yimid kulanka ayaa kubadda ku laagay goolka Palace balse kubadda oo ku dhacday daafac ayaa toos ugu tagtay Pulisic oo goolka hortaagnaa kaas oo si fudud madaxa ugu hidheeyay kubadda u tagtay.

Crystal Palace ayaa xilli dambe heshay fursadeedii ugu horreysay ee ay goolhayaha shaqo ugu dirto, McArthur ayaa daqiiqadii 86-aad kubadda ku darbeeyay goolka Blues balse goolhaye Kepa ayaa xakameeyay.

Ugu dambayn, Kooxda martida loo ahaa ee Chelsea ayaa guul 2-0 ah ka heshay kulankan iyagoo si kumeel gaadh ah booska labaad ee horyaalka usoo fadhiistay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...