Somaliland: Wafti Ka Socda Midawga Yurub Oo Soo Gaadhay Hargeysa, Maantana La Yeelan Doona Kulamo Laysugu Soo Dhawaynayo Madaxweyne Biixi Iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradka

Date:

Wafti baladhan oo ka socda midowga Yurub ayaa soo gaadhay shalay magaalada Hargeysa.

Wafigan ka socda Midawga Yurub ayaa madaxweye Biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah Cabdirxmaan Maxamed Cadbilaahi (Cirro) iyo Eng.Faysal Cali Waraabe kala hadli doona maanta khilaafka soo kala dhex galay ee la xidhiidha xubnaha loo soo xulay guddida doorashooyinka ee cusub.

Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa hakiyay labadii xubnood ee ay u gudbiyeen golaha wakiilada kadib markii ay cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo madaxweyne Biixi u gubyay golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah komishanka xilku ka dhamaanayo kuwaas oo ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi uu soo xulay .

Midawga Yurub ayaa bishii todobaad ee sanadkan waxa uu isku soo jiiday xisbyada siyaasada Somaliland ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid kuwaas oo mudo dheer isku khilaafsanaa gudida doorashooyinka oo xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday, waxaana markaas la gaadhay heshiis shan qodob ah oo khilaafkaas lagu soo gunaanaday, waxaanay hada u muuqataa in mar labaad loo baahday in midawga Yurub uu isku soo jiido hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...