Madaxweynaha Dalka Guinea Oo Madaxweyne Geelaha Djibouti Uga Mahadceliyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo dalkiisa booqanaya wuxuu uga mahadceliyay dedaalo uu sheegay inuu ku dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Alpha Conde, ayaa wuxuu qado sharaf u sameeyay Madaxweyne Geele iyo weftigiisa, waxaanu Madaxweyne Alpha uu khudbadiisa ugu mahadceliyay Madaxweyne Geele oo uu sheegay inuu dalkaas Guine u maray safar ah 7 saacadood,“Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan eed uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7 saacadood ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Alpha Conde, wuxuuna intaas ku daray, “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhexdhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sannadkan wuxuu booqday dalka Guinea oo ay dawlada Soomaaliya xidhiidhka u jartay ka dib markii ay si diiran u qaabileen, sidoo kalena wuxuu bishii hore booqday dalka Djibouti.

Booqashadii Madaxweyne Biixi ee  dalka Djibouti ayaa keentay warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u soo celiyo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo isna madashaas ka hadlay ayaa ugu horayn Madaxweyne Guinea uga mahadceliyay soo dhawaynta uu ku qaabilay.

Waxa uu Madaxweyne Geele ku tilmaamay Madaxweynaha Guinea inuu door muhiim ah kaga jirto isu soo dhawaynta dalalka qaaradda Afrika iyo in la gaadho awood buuxda oo uu yeesho ururka Midowga Afrika. Laakiin madaxweyne Geele ma soo hadal qaadin arrinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu madaxweynaha Guinea xusay.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...