Kulanka UEFA Super Cup ayaa caawa ka dhacaya magaalada Istanbul iyadoo Liverpool iyo Chelsea ay ku tartamayaan, laakiin waa imissa qiimaha lacageed ee koobkaan ee ay helayaan labada kooxood?
Taariikh ayaa la sameynayaa caawa iyadoo markii ugu horeysay ay labo kooxood oo Premier League ah ay ku tartamayaan koobka UEFA Super Cup.
Liverpool waxa ay soo hanatay Champions League oo ay ka soo qaadeen Tottenham halka Chelsea ay ku guuleystay Europa League markii ay garaaceen Arsenal.
Waxaa iyadana caawa taariikh ah in markii ugu horeysay ay garsoore dumar ah dhexdhexaadin doonto kulan weyn oo tartamada UEFA ah.
Qiimaha UEFA Super Cup
Qiimaha wadareed ee koobka UEFA Super Cup waa 8 milyan euro ama 7.4 milyan ginni.
Kooxdii badisa Liverpool ama Chelsea waxa ay qaadan doontaa 4.5 milyan euro
Halka kooxda koobka laga qaado ay heli doonto 3.5 milyan euro.
Koobka UEFA Super Cup
Liverpool iyo Chelsea kaliya uma tartamayaan lacagta abaalmarinta sidoo kale waxa ay u tartamayaan koob taariikhi ah.
Koobka dhererkiisa waa 58 sentimitir ama 23 inji, culeyskiisana waa 12.2 kiilogaraam.
Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa koobka saxda ah ceshata mar walba laakiin kooxda ku guuleysata waxaa la siiyaa koob u muuqaal eg oo xusuus ahaan ay u heystaan.