Lampard Oo Go’aan KHAMAAR Ah Qaadan Kara Kulanka Caawa Ee Chelsea & Xiddig Mudo Dheer Dhaawacnaa Oo Kusoo Bilaabanaya Kulanka Liverpool.

Date:

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa u muuqda mid waxkasta u samaynaya sidii uu caawa kooxdiisa gacanta ugu soo galin lahaa koobkiisii ugu horreeyay ee waayihiisa tababarenimo marka ay wajahaan kooxda Liverpool.

Liverpool waa horyaalka qaarada Yurub halka Chelsea ay tahay kooxda kusoo guuleysatay UEFA Europe League iyadoo ay labada kooxood haatan ku kala sugan yihiin xaalad kala duwan.

Chelsea ayaa guuldarro 4-0 ah kala soo kulantay Manchester United kulankii furiitaanka ee Premier League halka Liverpool ay guul raaxo leh oo 4-1 ah soo gaadhay waxaana intaas dheer in Chelsea ay dhaawacyo dhawr ahi xaalada kusii adkaynayaan.

Haddaba, Sida haatan laga soo xiganayo wargeyska Daily Mail, Lampard ayaa qaadan kara go’aan qadhaadh isaga oo soo dedejin kara soo laabashada Antonio Rudiger oo dhaawac ku maqnaa caawana kusoo bilaabi kara kulanka UEFA Super Cup.

Kurt Zouma iyo Christensen ayaa ahaa labaleyda ku midaysan wadnaha daafaca Blues ee kulankii Man United balse waxay muujiyeen midaysnaan niyad jab leh.

Rudiger oo bandhigiisa Chelsea joogto ahaa tan iyo markii uu Roma kaga soo biiray sanadkii 2017 ahaa mid qaab ciyaareed joogto ah leh.

Daafaca ree Germany ayaa marka hore loo qorsheeyay inuu soo laabto 14-ka bisha September kulanka ay kooxdiisu Wolves la yeelan doonto balse soo laabashadiisa ayaa ah mid lala soo deg-degi karo.

Daily Mail ayaa sheegaya in Lampard uu ku qasbanaaday go’aankan kaddib wixii uu soo arkay kulankisii ugu horreeyay ee uu Premier League ka ciyaaro isla markaana Rudiger loo xulan karo kulanka caawa.

Rudiger ayaa qaliin jilibka ah galay isaga oo seegay qaybihii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ee kooxdiisa Chelsea balse waxa uu si wanaagsan iskugu soo muujiyay tababarada kooxda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...