Unai Emery ayaa kahor inta uusan furmin xili ciyaareedka cusub sheegay in kooxda reer London ee Arsenal ay u dagaalami doonto dhamaan tartamada ay qeybta ka noqon doonto.
Macalinka reer Spain oo noqday badalka Arsène Wenger ayaa sheegay inuu u ahayo ixtiraam buuxa, isla markaana uu ixtiraamayo shaqo kasta uu kasoo qabtay Gunners.
“Waa loolan weyn ee ii gaar ah, laakiin sidoo kale waxaan ka shaqeynayaa mashaariicda kale ee waaweyn aniga ahaan”.
“Waan ku faraxsanahay inaan tababare ka noqdo Arsenal, kadib Arsene Wenger, Waxaa muhiim ah inaan si wada jir u shaqeyno”.
“Waxaan u maleenayaa inaan u qalano u dagaalamida tartamada kala duwan aynu qeybta ka noqon doono xili ciyaareedka bilaaban doona goor dhow”.
“Ixtiraam buuxa ayaan u hayaa Arsène Wenger, sidoo kale waxaan ixtiraamayaa shaqada uu halkan ka qabtay”.