Waa Imissa Lacagta Koobka UEFA Super Cup Ee Ay Caawa U Tartamayaan Liverpool iyo Chelsea?

Date:

Kulanka UEFA Super Cup ayaa caawa ka dhacaya magaalada Istanbul iyadoo Liverpool iyo Chelsea ay ku tartamayaan, laakiin waa imissa qiimaha lacageed ee koobkaan ee ay helayaan labada kooxood?

Taariikh ayaa la sameynayaa caawa iyadoo markii ugu horeysay ay labo kooxood oo Premier League ah ay ku tartamayaan koobka UEFA Super Cup.

Liverpool waxa ay soo hanatay Champions League oo ay ka soo qaadeen Tottenham halka Chelsea ay ku guuleystay Europa League markii ay garaaceen Arsenal.

Waxaa iyadana caawa taariikh ah in markii ugu horeysay ay garsoore dumar ah dhexdhexaadin doonto kulan weyn oo tartamada UEFA ah.

Qiimaha UEFA Super Cup

Qiimaha wadareed ee koobka UEFA Super Cup waa 8 milyan euro ama 7.4 milyan ginni.

Kooxdii badisa Liverpool ama Chelsea waxa ay qaadan doontaa 4.5 milyan euro

Halka kooxda koobka laga qaado ay heli doonto 3.5 milyan euro.

Koobka UEFA Super Cup

Liverpool iyo Chelsea kaliya uma tartamayaan lacagta abaalmarinta sidoo kale waxa ay u tartamayaan koob taariikhi ah.

Koobka dhererkiisa waa 58 sentimitir ama 23 inji, culeyskiisana waa 12.2 kiilogaraam.

Xiriirka kubada cagta Yurub  ee UEFA ayaa koobka saxda ah ceshata mar walba laakiin kooxda ku guuleysata waxaa la siiyaa koob u muuqaal eg oo xusuus ahaan ay u heystaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...