Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

Date:

Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya
Wargeys ka soo baxa London oo la yidhaahdo KCW-Today ayaa Warbixin uu maanta daabacayku sheegayin wararka waaweyn ee bishan July saameynta yeeshayay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka sameysay dedaalka ay ugu jirtoaqoonsi raadinta.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixintaas ku saabsanayd Somaliland, waxaanayu qornayd sidan:-“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa 27kii June ee la soo dhaafay barteeda Twitterka ku daabacday wadahadal ay la yeesheen Somaliland oo ay uadeegsadeenereyga ah”labadadal”,waxaanay Arrintaasi noqotay markii u horreysay ee dal ka mid ah caalamku uu Waddan ahaan uqiro Jamhuuriyadda Somaliland.”

Warsidaha KCW-Todaywuxuu sheegay in ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991kii iskugu yeedheenwaxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku.

Sidookale,waxa Wargeysku isbarbar-dhig ku sameeyey dawladnimada iyo ammaanka ka hirgalay JamhuuriyaddaSomaliland iyo nabadgelyo darrada,argagixisada,barakaca iyo burburka ku habsadaySoomaaliya, waxaanu ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kanabadbaaday mashaqada ka jirta Soomaaliya.

KCW-Today wuxuu intaas ku daray inJSL uumadaxweyneyahayMuuse Biixi Cabdi, oohore u ahaan jiray duuliyeka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku sheegay in Somaliland leedahay ciidammadeedaBooliska iyo lacag u gaar ah.

Wargeysku wuxuu soo bandhigay inay Somalilandqaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wadahadallo kula yeelatoQarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiinUK iyo Maraykanka.

Warsidaha KCW-Today wuxuu ku soo gabogabeeyeywarbixintiisa haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inaytalaabadaasi noqon doonto midxiiso leh oolagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuuqabsoomo horaanta sannadka 2020ka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...