Somaliland: Guddoomiyaha WADDANI oo la Kulmay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya

Date:

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Khaarajiga ee waddankaas Dr Workneh Gebeyehu, ayaa shalay  qaabilay weftigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Labada dhinac waxay kulankoodan kaga wada hadleen sidii loo sii adkayn lahaa cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Kaaliyaha Warbaahinta Ee Murashaxa Xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal, waxaanu u qornaa war-saxaafadeedkaasi sidan:-

“Murrashaxa  Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaasi Dr Workneh Gebeyehu.

Weftiga Guddoomiyaha Waddani, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa si Baratakool sare ah lagu soo dhaweeyey weftiga.

Waxaanu ugu horayn Weftiga Murrashax Cabdiraxmaan Cirro uu kulan la yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu, kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wadahadleen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal loona sii xoojin lahaa.

Sidoo kale Weftiga Murrashax xisbiga Waddani ayaa kulan ay ku wehelinayeen Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murrashaxa Baashe, waxay Xafiiskiisa kulan kula qaateen Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Waxaana kulankaasi oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac ugu muhiimsanaa;-

  • Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.
  • Sii xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
  • Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.”
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...