Nuxurka Kulan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ku Qaabilay Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE

Date:

War-saxaafadeed — October 10th, 2017

Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mudane, Hailemariam Desalegn, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Jagada Madaxweynaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee waddankaasi.
Kulanka dhexmaray Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa KULMIYE oo qaatay muddo ilaa saacad ah waxay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya iyo shucuubtooda, Iskaashiga labada dhinac, xaaladdaha ka jira Gobolka Geeska Afrika waqtigan iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Qodobada ugu mudan ee Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam kaga wadahadleen kulankaasi waxa ka mid ah;
 Kor u sii qaadida iyo xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
 In labada dal yeeshaan iskaashi dhaqaale oo ka sii wayn ka hadda u dhexeeya.
 Isticmaalka dekedaha oo la isla gartay in dalka Itoobiya si wayn u isticmaalo dekedda Berbera oo hadda lagu wado maalgalin lagu horumarinayo oo baaxad leh.

 Masuuliyiinta labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan in laga wadashaqeeyo ka midho-dhalinta suuqa xorta ah ee istugga waddamada Geeska Afrika iyo sidii Somaliland uga mid noqon lahayn.
 Waxa kaloo ay ka wadahadleen sidii labada dal uga sii wadashaqayn lahaayeen adkaynta nabadda iyo xogta ammaanka ee mandaqada.
Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulanka uu la qaatay Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya ku wehelinayey masuuliyiinta kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasiga Axmed Muumin Seed iyo Safiirka Somaliland ee Itoobiya Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe).
Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku soo gabogaboobay jawi farxad iyo is afgarad ah.

ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...